Garyaqaanka guud ee Somaliland oo ka hadlay wax ka bedelka lagu samaynayo xeerka xisbiyada Somaliland

0
Monday February 24, 2020 - 17:00:49 in by salman abdi
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaanka guud ee Somaliland oo ka hadlay wax ka bedelka lagu samaynayo xeerka xisbiyada Somaliland

    Garyaqaanka guud ee Somaliland oo ka hadlay wax ka bedelka lagu samaynayo xeerka xisbiyada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaanka guud ee Somaliland oo ka hadlay wax ka bedelka lagu samaynayo xeerka xisbiyada Somaliland

Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa sheegay in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu wax ka bedel iyo kaabis ka dalbado golaha Baarlamaanka xeerka ururadda iyo asxaabta , taas oo la doonayo in dib loo furo ururadii si saddex xisbi usoo baxaan.

 

"Madaxweynuhu wuu dalban karaa in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo xeerka ururada iyo asxaabta,”ayuu yidhi garyaqaanka guud Maal.

Cabdisamad Maal oo sharaxaya saddex nidaam oo wax ka bedel iyo kaabis loogu samayn karo xeerka asxaabta qaranka waxa uu yidhi " Xeerka ururada iyo nidaamka asxaabta ee Numbar 14 ayaa ka sheekeeya nidaamka loo maamulayo asxaabta, markii kowaadna maaha in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyey xeerkan, saddex nidaam baa wax looga bedeli karaa xeerkan, mar Baarlamaanka wax ka bedeli kara, marna madaxweynaha ayaa dalban kara marna dadweynaha ayaa dalban kara oo illaa shan kun oo qof baa looga baahan yahay”

Sidoo kale, waxa uu ka jawaabay baaqii xisbiyada mucaaradka ahaa in doorashada madaxtooyada hore loo soo dhigo, waxaanu yidhi "Teeramka madaxweynaha waa dastuuri, xeerka asxaabta iyo liisankooduna waa xeer baarlamaan oo tobankii sanaba mar baa dib loo cusboonaysiinaya, markaa hadii muddo xileedka madaxweynaha wax laga bedelayo waa afti dadweyne”

Waxa kale oo uu sheegay in muddo xileedkii xisbiyada ee tobanka sanno liisanku ku dhacayey ay ku beegan tahay sanadka 2022-ka, sidaas darteed la doonayo in la is waafajiyo doorashada golaha deegaanka iyo furiista ururada, taasina ay keenayso in hore loo soo horumariyo mudadii uu liisanku ka dhacayey.

Xisbiyada mucaaradka ayaa walaac ka muujiyey wax ka bedelka madaxweynuhu damacsan yahay inuu ku sameeyo xeerka asxaabta, taas oo dib loogu furayo ururadii si saddexda xisbi ee ugu codka bata usoo baxaan, kuwaas oo noqonaya sadexda xisbi qaran.