Madaxweyne Biixi Oo Maxamuud Xaashi Ku Garaacaya Wasiir Koore Iyo Cabdiraxmaan Ciro Oo Xirsi Ka Hor Gaynaya Cabdiqaadir Jirde.
Madaxweyne Biixi Oo Maxamuud Xaashi Ku Garaacaya
Wasiir Koore Iyo Cabdiraxmaan Ciro Oo Xirsi Ka Hor Gaynaya Cabdiqaadir Jirde. Xoogaga siyaasiyiinta iska soo horjeeda ee ku dhex hirdamaya xisbiga muxaafidka
ah ee Kulmiye ayaa mar kale ka istaadhmay dhinaca xukuumada hogaamiye Muuse Biixi. Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo hadhaaga u adeega ee uu kaga tagay xafiiskii xisbiga Kulmiye ayaa
haatan hore u qaaday hal talaabo oo ay ku muujinayaan qorshe lidi ku ah siyaasiga miisaanka ku dhex leh
xisbiga ee Maxamuud Xaashi oo dhawaan shaaciyey inuu u taagan yahay hanashada gudoomiyaha xisbigaasi.
Madaxweyne Muuse Biixi oo daaha dabadiisa ka hagaya siyaasada ka dhanka ah Maxamuud Xaashi ayaa
gudoomiye ku xigeenkiisa idman ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere waxa uu amar ku siiyey inuu qabto
kulan martiqaad ah oo lagu maamuusayo wasiirkiisa Warfaafinta Saleebaan Cali Koore si loo sii muujiyo
qorshaha lagu sadqaynayo hanka siyaasi Maxamuud Xaashi.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo fulinaya amarka xaga sare kaga
yimid ayaa iskugu yeedhay garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin ka tirsan golaha dhexe
kuwaas oo uu iskugu keenay kulan si dadban loogu soo bandhigayey qorshaha ka dhanka ah siyaasi Maxamuud
Xaashi kaas oo ay sheegeen in lagu maamusay wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore oo Muuse Biixi iyo
xulafadiisu la damacsan yihiin hogaaminta xisbiga.
Sidoo kale qorshaha ka dhanka ah siyaasi Maxamuud Xaashi ee uu Muuse Biixi ka hirgelinayo xisbiga Kulmiye
ayaa waxa daaha ka sii qaaday Xildhibaan Maxamed Wali oo ka mid ah xildhibaanada taabacsan Muuse Biixi
ee ku jira golaha guurtida, kaas oo sheegay in wasiir Saleebaan Cali Koore lagu wareejiyanyo hogaaminta
xisbiga Kulmiye isla markaana wakhtigeedii la joogo.
Hirgelinta qorshaha hogaaminta xisbiga Kulmiye loogu cumaamadayo Wasiir Saleebaan Cali Koore ee uu
Muuse Biixi wato ayaa hadii uu hirgelo waxa la filayaa inuu saamayn adag ku yeesho mustaqbalka siyaasadeed
ee xisbigaasi,iyada oo siyaasiga miisaanka leh ee Maxamuud Xaashi uu dhankiisa qorshayn doono talaabadii uu
qaadi lahaa hadii kornayl Muuse Biixi awood dawladeed u adeegsado inuu ku dhaafiyo kursiga hogaaminta
xisbiga Kulmiye.
Siyaasi Maxamuud Xaashi oo taageero balaadhan ka haysta deegaankiisa isla markaana doonaya in la hirgeliyo
heshiiskii ay beeshiisa iyo beesha Muuse Biixi ku gaadheen inay isku wareejiyaan xisbiga Kulmiye ayaa la
filayaa in dhankiisa uu si adag uga horyimaado qorshaha Muuse Biixi, waxaana suuragal ah inuu qaadi doono
talaabooyin saamayn taban oo adag ku yeesha xisbiga Kulmiye, xukuumada Muuse Biixi iyo mustaqbalka
xisbiga Kulmiye, iyada oo ay dhici karto in xisbiga Kulmiye-na uu cagta saaro dhabada burburka.
Dhinaca xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa isagana ka bilaabmay dhaq dhaqaaq ka soo horjeeda
gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbigaasi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, iyada oo 24-kii
saacadood ee ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya in gudoomiye Ciro tunka ku sito Xirsi Cali Xaaji
Xasan oo ka mid ah hogaanka xisbiga Waddani isla markaana uu la damacsan yahay xilka gudoominta xisbiga.
Warar soo baxayey intii ka dambaysay shirkii bilaha ahaa ee guddida fulinta xisbiga Waddani oo qabsoomay
maalintii Axada ayaa sheegaya in gudoomiye Ciro la tashiyo badan ka galay qorshe uu doonayo inuu xilka
gudoomiyaha xisbiga Waddani ugu gacan galiyo siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka tirsan hogaanka xisbiga
isla markaana uu meesha kaga saarayo gudoomiyaha ku meelgaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde
oo ah siyaasi rug cadaa ah isla markana labadii sanadood ee ugu dambeeyey naawilayey in si rasmi ah xisbiga
loogu wareejiyoxisbiga Waddani uu si dhaw ula socdo dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda ee gudoomiye Ciro
bilaabay, iyada laga filan karo inuu si deg deg ah u bilaabo qorshaha uu kaga hortagayo ee jawaabta u ah
abaabulka gudoomiye Ciro bilaabay.
Xisbiga Waddani ayaa dhankiisa dadka siyaasada falanqeeyaa ay sheegayaan inuu saamayn xun kala kulmi
doono haddii uu gudoomiye Ciro hirgeliyo qorshaha uu xisbiga Waddani ugu gacan galinayo Xirsi Cali Xaaji
Xasan isla markaana khilaafka dhexyimaada Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde uu horseedi doono saamayn taban oo
uu xisbigaasi la kulmi doono.
Si kastaba ha ahaatee qorshayaasha ka dhex socda xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ee ay dabada ka riixayaan
kornayl Muuse Biixi iyo Gudoomiye Ciro oo ka dhan ah Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Xildhibaan Cabdiqaadir
Jirde oo labadooduba naawilayey in hogaaminta xisbiyada loo soo gacan galiyo ayaa la dhawrayaa wakhtiga ay sida rasmiga ah dibada ugu soo baxaan, cida ku guulaysata qorshaha ay wadato iyo saamaynta dambe ee ka
dhalan doonta.
Madaxweyne Biixi Oo Maxamuud Xaashi Ku Garaacaya Wasiir Koore Iyo Cabdiraxmaan Ciro Oo Xirsi Ka Hor Gaynaya Cabdiqaadir Jirde.
Madaxweyne Biixi Oo Maxamuud Xaashi Ku Garaacaya Wasiir Koore Iyo Cabdiraxmaan Ciro Oo Xirsi Ka Hor Gaynaya Cabdiqaadir Jirde.