Wasiir Beyle oo la kulmay madaxweynaha Bankiga Aduunka

0
Wednesday March 04, 2020 - 09:55:17 in by salman abdi
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle oo la kulmay madaxweynaha Bankiga Aduunka

    Wasiir Beyle oo la kulmay madaxweynaha Bankiga Aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Beyle oo la kulmay madaxweynaha Bankiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen  dib-u-habeynta hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya  iyo Bangiga Hormarinta Africa kaddib deynta cafinta.

 

 

"Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika  Akinwumi Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta  iyo hormarka  dhaqaalaha Soomaaliya,kadib deynta cafinta,waxaan aad ugu mahadcelinayaa  Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu  garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda  ayuu yiri/Wasiir Beyle.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu u mahad celiyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaraadaha kale ee dalka oo dhamaantood si loo gaaro guushan deynta cafinta u huray wax kasta oo ay awoodeen.