Ma Dhabaa In Siyaasiyiin Han Leh Oo Kulmiye Ka Tirsani Ay Saluugsan Yihiin Guddida Qaban Qaabada, Una Arkaan Kuwo Cid Gaar Ah Loogu Quusgoynayo

0
Friday March 13, 2020 - 12:40:01 in by salman abdi
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Siyaasiyiin Han Leh Oo Kulmiye Ka Tirsani Ay Saluugsan Yihiin Guddida Qaban Qaabada, Una Arkaan Kuwo Cid Gaar Ah Loogu Quusgoynayo

    Ma Dhabaa In Siyaasiyiin Han Leh Oo Kulmiye Ka Tirsani Ay Saluugsan Yihiin Guddida Qaban Qaabada, Una Arkaan Kuwo Cid Gaar Ah Loogu Quusgoynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabaa In Siyaasiyiin Han Leh Oo Kulmiye Ka Tirsani Ay Saluugsan Yihiin Guddida Qaban Qaabada, Una Arkaan Kuwo Cid Gaar Ah Loogu Quusgoynayo

Kadib markii uu Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Doraad shaaciyay Magacyada Guddida qaban-qaabada Shir-weynaha 4-Aad ee Xisbigaasi ayaa waxa soo baxaya doodo iyo aragtiyo iska soo horjeeda oo ku saabsan muuqaalka guud ee gudidaasi iyo sida ay u arkaan siyaasiyiin kala afkaar ah oo xisbigaasi ku wada jiraa.

Wargeyska Foore oo u kuur galay arintan ayaa waxaanu ku ogaanay in siyaasiyiin badan oo Xisbigaasi ka tirsani aanay la dhacsanayn gaar ahaan Xubno ka tirsan Gudidaasi islamarkaana ay u arkaan talaabo keeni karta inuu mar kale Xisbigaasi lugta la galo Muran xoogleh iyo inay garabyo siyaasideed ka go’aan Xisbiga islamarkaana ay carqalad ku tahay, lagana leexiyay hanaankii uu Xisbiga Kulmiye mudada dheer ku soo dhisnaa ee uu ku soo caano maalay.

Taageerayaasha Siyaasiyiin hunguri ka hayo Gudoomiyenimadda Kulmiye Madaxweyne Muuse Dabadii ayaa laga dareemayaa sida aanay siyaasiyiintaasi ula dhacsanayn ee ay uga biyo diidsan yihiin Gudidaasi, waxaanay shirar duceedyo ay iskugu yimaadeen Saacadihii lasoo dhaafay kaga arinsanayeen talaabadii ay ka qaadan lahaayeen ee ay kaga falcelin lahaayeen talaabadani iyo qaabkii taageerayaashooda si guud ay ugu gudbin lahaayeen dareenkooda ku saabsan gudidan iyo saluugga ay ka qabaan.

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa iftiimiyay in Siyaasiyiin han leh oo Xisbiga KULMIYE Ka tirsani ay u arkaan inay magacaabista gudidani ay si toos ah uga soo fushay dhinaca Madaxweyne Muuse Biixi islamarkaana uu si ukas ah ugu daray Xubno ay siyaasadda ku coloobeen Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo u hanqal taagaya Gudoomiyenimadda Kulmiye, sidaana uu uga gol leeyahay inuu fariin ugu diro, islamarkaana uu umuujiyo inaanay waxba u oolin Xisbiga Kulmiye. Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa shirar hoose yeelanayo kadib magacaabista Gudidan.

Inkasta oo la hadal hayo inuu shirkaasi dib uga dhaco wakhtiga u qoondaysan haddana waxa si gaar ah isha loogu hayaa halka uu sal dhigan doono khilaafka Huursan ee ku gadaaman Gudoomiyenimada Kulmiye Madaxweyne Muuse Dabadii.

Guddida qaban-qaabada Kulmiye ee lasoo saaray ayaa waxay ka kooban yihiin 14 Qof oo kala ah:-

Cabdikariin Axmed Maxamed

Dr. Maxamed Cabdi Carabayte

Axmed Faarax Cadarre

Cali Xaamud Jibriil

Cali Maxamed Cali

Axmed Cabdi Kijaandhe

Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye

Maxamed Ibraahim Madar

Axmed Nuur Faahiye

Khadra Jaamac

Maxamed Muuse Abees

Faysal Cumar Madar

Ismaaciil Jaamac

Naasir Ayjeex Jaamac