Damaca Madaxweyne Ee Siihaynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye +Wasiir Maxamed Kaahin Oo Umuuqda Mid Ka Tanaasulay Quudarayntii Gudoomiyaha

0
Saturday March 14, 2020 - 10:18:46 in by salman abdi
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Damaca Madaxweyne Ee Siihaynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye +Wasiir Maxamed Kaahin Oo Umuuqda Mid Ka Tanaasulay Quudarayntii Gudoomiyaha

    Damaca Madaxweyne Ee Siihaynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye +Wasiir Maxamed Kaahin Oo Umuuqda Mid Ka Tanaasulay Quudarayntii Gudoomiyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Damaca Madaxweyne Ee Siihaynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye +Wasiir Maxamed Kaahin Oo Umuuqda Mid Ka Tanaasulay Quudarayntii Gudoomiyaha

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo U Hanqal Taagaya Inuu Markale Noqdo Murashaxa Xisbiga KULMIYE Ayaa Cirka Ku Laalay Hankii Iyo Rajadii Wasiir Maxamed Kaahin Ka Qabay Inuu Noqdo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

 

 

 

Ilo Wareedyo Sidhow Ula Socday Kulamo Madaxweyne Muuse Biixi La Qaatay Xubnaha Xukumadiisa Ugu jira Beesha Habar-Jeclo Ayaa Tibaaxaya In Madaxweyne Muuse Biixi Usoo Bandhigay Damac Ah Inuu Sii Hayo Xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Waxaanu Xubnahaasi Ka Codsaday Inay Markale Ku Badhi Taaran Inuu Noqdo Murashaxa Xisbiga KULMMIYE.

 

 

 

 

Waxa Xusid Mudan Inuu Kulankaasi Uu Goob-joog Ka Ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Siweyn Ugu Hanqal Taagayey Inuu Noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Biixi Debedii.

 

 

 

 

 

Arintani Ayaa La Tibaaxay inay U Qaadan-waa Ku noqotay Xubihii Wasiirada Ahaa Ee Goobta Joogay, Dood dheer Iyo Falaaqayn Ka Dib Wasiir kaahin Oo Hadalka Qaatay Ayaa La Tilmaamay Inuu Usacabo Tumay Dama Madaxweyne Biixi Ee Ah Inay Ku Taageeran Inuu Sii Hayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

 

 

 

 

Geesta Kale Xubnihii Wasiirada Ahaa Ee Kulankaasi Ka Qayb galay Ayaa Madaxweynaha U Muujiyey Taageero,Waxaanay balan qaadeen Inay Dhisi doonan Mar Labaad Kuwaasi Oo Kala Ah , Wasiirka Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali, Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirka Shaqo gelinta Iyo Arimaha Bulshada Hinda Jamac Xirsi, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo arimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan, Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka C/kariin Xinif.

 

 

 

 

 

Talaabadan Madaxweyne Muuse Biixi Ku Doonayo inuu Ku Sii Hayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ayaa Waxay Wiiqaysaa heshiishkii Siyaasada Ee Beelaha Habar-jeclo Iyo Habar Awal Waxaynu Hore Ugu Baxay Qodobo Oo Ay Hore Ay Ugu Heshiiyen Beelahaasi Shirkii Ay Burco Ku Yeeshen.