Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo aan ka qeyb galin shirka wadatashiga Puntland

0
Sunday March 15, 2020 - 12:41:24 in by salman abdi
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo aan ka qeyb galin shirka wadatashiga Puntland

    Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo aan ka qeyb galin shirka wadatashiga Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo aan ka qeyb galin shirka wadatashiga Puntland
Wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga dowladda federalka Soomaaliya xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kamid ahayn ergada ka qeyb galaysa shirka wadatashiga Puntland ee saaka ka furmaya magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

 

Warar HOL, heshay ayaa sheegaya in wasiir Jamaal uu ku gacan sayrsay shirkaan islamarkaana uu kamid yahay garabka guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo daareed, kaasoo xilka looga tuuray mooshin bishii november horaanteedii.

Wasiir Jamaal ayaa sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid badan in Puntland ay albaabada u laabtay xafiiisyo uu ka furtay gobolka Sanaag oo qaabilsanaa xidhiidhka bulshada.

Maqnaashihiisa ayaa kamid ah hadal haynta aadka loogu falanqeynayo baraha bulshada, balse marka lagasoo tagayo wafuud badan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowladda federalka Soomaaliya ayaa shirka ka qeyb galaya.