Coronavirus oo Mareykanka oo dhan ku baahay iyo dhimashada oo korodhay

0
Wednesday March 18, 2020 - 09:20:08 in by salman abdi
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Coronavirus oo Mareykanka oo dhan ku baahay iyo dhimashada oo korodhay

    Coronavirus oo Mareykanka oo dhan ku baahay iyo dhimashada oo korodhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Coronavirus oo Mareykanka oo dhan ku baahay iyo dhimashada oo korodhay

Cudurka Coronavirus ee safka ku socda ayaa gaaray dhammaan 50-ka gobol uu dalka Mareykanku ka kooban yahay, iyada oo gobolka West Vergina kiiski ugu horreeyey ee cudurka talaadadi laga helay.

Marki shaaca laga qaadayey kiiska ugu horreeyeyna Barasaabka Wes Virginia Jim Justice wuxuu yiri: "waan ogeen iney tani imaneyso."

Magaalada New York waxaa la saaray xayiraad la mid ah midda saaran San Francisco aagga Bey.

Dalka Mareykanka ilaa iyo iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa laga helay 6,000 oo kiis oo cudurka Coronavirus iyada oo ay dhimashaduna gaartay 105.

Dunida oo dhan kiisaska cudurka ee la helay waaxaa lagu qayaasaa 200,000 oo kiis iyo 8,000 oo dhimasho ah.

Magaalada New York maxay tixgelisay?

Duqa magaalada Bill de Blasio ayaa sheeegay in la go'aamiyey muddo laba maamood ah shacabka magaalada ku nool ee lagu qayaso 8.7 milyan iney guriyahooda ka soo bixin.

Tallaabadaasi uu barasaabka ku dhawaaqay oo shacabka dhaqdhaqaaq iney sameeyaan ka xayireyso haddana waxa shacabka loo oggol yahay iney u bixi karaan soo iibsashada waxayaabaha noolashooda daruuriga u ah ee ay suuqa uga baahdaan.

"Waa go'aan aad iyo aad u adag," ayuu yiri Mr de Blasio. "Weligeen waxaan oo kale manan maqal. Anigua weligey ma maqal wax noocan ah taariikhdi ay New york jirtay."

Mas'uuliyiinta Sab Francisco waxay sida oo kale amar ku bixiyeen shacabka gaaraya 6.7 milyan oo qof iney guriyahooda ka soo bixin balse wixi ay u baahan yihiin ay suuqa u raadsan karaan oo keli ah ilaa iyo 7-da bisha April.

Ciidamada Mareykanka door intee le'eg ayey ka qaadan karaan?

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa sheegay aqalka cad ee Mareykanka in looga baahan yahay inuu ciidamada dalka ugu baaqo sidi ay u diyaarin lahaayeen isbitaallo degdeg ah marka looga baahdo goobaha cudurka uu ka dillaacay barasaabyada gobolladana ay ka codsadaan.

Mr Pence oo shir jaraa'id talaadadi ku qabtay aqalka cad ee Mareykanka wuxuu sheegay Injineerrada ciidamada ka tirsan iney diyaariyaan isbitaallo guurguuro si ay gacan uga geystaan culeyska soo fuuli kara isbitaallada gobollada.

Madaxa Pentagon Mark Esper wxuu sheegay ciidamada Mareykanka iney diyaarinayaan 5,000,000 oo cufaafta neefsiga iyo qalabka neefsiga ayna ku wareejinayaan wasaaradda caafimaadka.

Wuxuu sida oo kale sheegay ciidamadu iney furayaan 14 sheybaar oo casri ah oo cudurka looga baaro shacabka rayadka ah.

Maxaa ka soo kordhay dalka Mareykanka?

Talaadadi Filorida ayaa waxay ka mid noqotay 11-ka gobol ee albaabbada isugu dhuftay makhmaaradaha iyo huteellada cuntada.

Sida oo kale waxaa dib loo dhigay ilaa iyo bisha September tartanka fardaha ee muddada dheer soo socday oo xilligan oo kale Mareykanka lagu qabto.

Goobaha ugu waaweyn ee laga dukaameysto ee dalkaasi Mareykanka oo la xiray, Dukaanka weyn ee Mall America ee ku yaalla Minnesota waxaa sida oo kale la xirayaa dabayaaqada bishan March.

Booliska Los Angelesna waxay sheegeen iney yareynayaan dadka ay xirayaan si ay u yaraan ciriiriga xabsiyada oo keeni kara cudurka inuu sii faafo.

Chicago xaruun kalkaaliyayaal caafimaad oo ku taallo waxaa cudurka Coronavirus uu ku dhacay 22 qof oo halkaasi ku sugnaa.

Madaxweyne Trump siduu uga jawaab celiyey?

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ee doonaya in bisha November markale la doorto oo gelinki dambe ee talaadada warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inuu miiska u saaran yahay xayiraadda socdaalka dalka gudahiisa lagu soo rogayo.

"Waxaan sameyn doonaa xayiraado heer qaran. ayuu yiri Mr trump. "Waxaanna rajeynayaa, inaan taa u baahneen. Waxay noqoneysaa talaabba adag oo la qaaday."

Wuxuuna sheegay xukumaddiisu iney diyaarisay xidhmo lacageed oo dhibaatada wax looga qabanaya oo gaaraya $1 trilyan oo doolar iyo $50 bilyan oo doolar oo wax looga qabanayo shirkadaha diyaaradaha ee ay qasaarada soo food saarta.

Wuxuu sida oo kale difaacay farriinti uu Tweetarka soo dhigay uu ku sheegay "Faayras Shiineyska", iyada oo hadalkiisaasi lagu sheegay cunsurinimo.

"Cudurka wuxuu ka yimid Shiinaha" ayuuna ku yiri warfidiyeennada.