Wafdigii dowladda ee ka qeyb galay shirkii Garowe oo ka hor yimid qodobo kamida war murtiyeedkii shirka

0
Saturday March 21, 2020 - 09:08:14 in by salman abdi
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdigii dowladda ee ka qeyb galay shirkii Garowe oo ka hor yimid qodobo kamida war murtiyeedkii shirka

    Wafdigii dowladda ee ka qeyb galay shirkii Garowe oo ka hor yimid qodobo kamida war murtiyeedkii shirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigii dowladda ee ka qeyb galay shirkii Garowe oo ka hor yimid qodobo kamida war murtiyeedkii shirka
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Ambassador Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafuudii dowladda federalka uga qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qodobo kamid ah war murtiyeedkii shirka lagasoo saaray.

 

Shir jaraa’id oo uu wasiirku ku qabtay Garowe, isagoo ay hareer fadhiyeen wafdiga dowladda federalka wuxuu caddeeyay in qodobada qaarkood loogu gafay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada qeyb kamid ah.

‘Waxaan rabnaa inaan halkaan ka caddeyno inaan diidanahay ereyadii xanafta lahaa ee warmurtiyeedka ku jiray ee loo geystay dowlad goboleedyada qaarkood, kuwaas oo aan qeyb ka ahayd doodihii shirka,’ ayuu yidhi wasiir Cawad.

Wasiirka arrimaha dibada wuxu sheegay inay sidoo kale diidan yihiin war murtiyeedka qeybta ku saabsan dowladda federalka oo uu tilmaamay in aysan ka turjumayn hadal jeedintii iyo doodihii shirka.

Dhinaca kale, wasiirka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweeyay safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo Muqdisho iyagoo sheegay inay filayaan in lagusoo afmeero khilaafka dowladda federalka iyo maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo wafuuda dowladda federalka ayaa shirkii wadatashiga kadib yeeshay kulan gaar ah oo ka dhashay kadib markii masuuliyiinta dowladda ay ka xumaadeen in war murtiyeedka lagusoo daray qodobo aysan iyagu waxba kala socon sida ay sheegeen.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ay Garowe iska racaan wafuuda federalka iyagoo ku wajahan magaaladda Muqdisho.