Doorasho maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo

0
Wednesday April 01, 2020 - 12:18:36 in by salman abdi
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorasho maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo

    Doorasho maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorasho maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu waddaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashadan ayaa xubnaha ku tartamaya guddoonka Baarlamaanka waxaa ay kala yihiin Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dhinaca kale ah Danjiraha midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya iyo waliba Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo doonaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad  ayaa sidoo kale waxaa u tartami doona Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale xildhibaan Shamsa Maxamed Yaroow ayaa noqoneysa qofka kaliya ee u taagan xilka guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa dad badanni u saadaalinayaa in uu noqonayo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.