Puntland oo Galmudug ku wareejisay todobo qof oo lagu karantiilay Garowe

0
Thursday April 02, 2020 - 13:57:54 in by salman abdi
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Galmudug ku wareejisay todobo qof oo lagu karantiilay Garowe

    Puntland oo Galmudug ku wareejisay todobo qof oo lagu karantiilay Garowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo Galmudug ku wareejisay todobo qof oo lagu karantiilay Garowe Puntland ayaa todoba ka mid ah dadkii ka soo safray deegaanada Somaliland oo si ku meel gaar ah loogu karatiilay magalaadda Garoowe si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Galmudug, sida uu xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani.
Dadkaan lagu wareejisay Galmudug ayaa 31-bishii March, waxay Puntland galisay xaaalad karantiil ah si loo hubiyo caafimaadkooda, waxayna ahaayeen dad ka yimid dhinaca Somaliland oo ahaa arday wax ka baranayay jaamacaddaha Somliland iyo Ethiopia.

Dhinaca kale, Guddigu wacyigelinta iyo ka hortagga Coronavirus ayaa caddeeyay in ilaa iyo hadda aysan ka jirin guud ahaan deegaanada Puntland dad la xaqiijiyey in ay qabaan caabuqa COVID-19.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in maalmaha soo socda Puntland la geynayo qalabka lagu baaro cudurka Coronavirus, qalabkaas oo ay bixinayso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.