Dowladda Sacuudiga Oo Laga Codsaday Inay Sii Deyso Maxaabiista Reer Falastiin Ee U Xidhan

0
Sunday April 05, 2020 - 09:12:13 in by salman abdi
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo Laga Codsaday Inay Sii Deyso Maxaabiista Reer Falastiin Ee U Xidhan

    Dowladda Sacuudiga Oo Laga Codsaday Inay Sii Deyso Maxaabiista Reer Falastiin Ee U Xidhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sacuudiga Oo Laga Codsaday Inay Sii Deyso Maxaabiista Reer Falastiin Ee U Xidhan

Xarakada Xamas ayaa ka codsatay dowladda Sacuudiga inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin ee u xidhan, gaar ahaan Mohammad Al-Khodari, oo ah 80 jir si aad ah u xanuunsanaya, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

Sabtidii shalay ayaa ku beegneyd sannad guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la xabisay Al-Khodari oo qaabilsanaan jiray xidhiidhka Xamas iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Anadolu Agency ayaa soo xigatay bayaan uu soo saaray madaxa warbaahinta Xamas Raafat Murra, oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo Al-Khodari iyo maxaabiista kale ee reer Falastiin oo noloshooda ay halis ku jirto.

"Waxaan si sabab iyo xikmad leh uga codsaneynaa boqortooyada Sacuudiga inay arrintan deg deg usoo geba-gebeyso, ka hor bisha barakeysan Ramadan, dadka Falastiin darteed iyo qadiyaddooda,” ayuu yidhi Murra

Xamas ayaa shaaca ka qaadday in walaaca laga qabo maxaabiista Falastiiniyiinta ay koradhay kadib markii uu dillaacay cudurka Coronavirus.

Murra ayaa sheegay in Xamas ay la xidhiidhay dhinacyo saddexaad oo badan, si ay u dhex-dhexaadiyaan ayaga iyo Sacuudiga, balse ma shaacin cidda ay yihiin dhinacyadaas saddexaad.