Raysal Waasaaraha Ingiriiska oo isbitaal la dhigay

0
Monday April 06, 2020 - 08:59:49 in by salman abdi
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Waasaaraha Ingiriiska oo isbitaal la dhigay

    Raysal Waasaaraha Ingiriiska oo isbitaal la dhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Waasaaraha Ingiriiska oo isbitaal la dhigay

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa isbitaal la dhigay ka dib markii 10 maalmood ka hor laga helay Coronavirus, sida laga soo xigtay Downing Street.

Waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada London ka dib markii calaamadaha Fayraska Corona ay ku sii siyaadeen sidoo kalana waxaa sare u kacay heerkulkiisa.

Raysal Wasaaraha ayaa weli mas'uul ka ah dowladda balse wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo kulan Isniinta looga hadlayo Fayruska Corona. Mr Johnson ayaa lagu wadaa in cawa uu nagaado isbitaalka.

Mr Johnson ayaa guriga ka soo shaqeynayay tan iyo markii lagu dhawaaqay in laga helay xanuunuka Coronavirus 27-kii Maarso.

Raysal Wasaaraha ayaa horay muuqaal barata Twitter-ka la soo dhigay uga sheegay inuu dareemayay calaamado yar oo fayraska Corona ah.