"Ma Jiro Wax Wadahdal Ah Oo U Dhexeeya Somaliland Iyo Somalia"Cali Guray

0
Sunday April 12, 2020 - 09:23:33 in by salman abdi
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ma Jiro Wax Wadahdal Ah Oo U Dhexeeya Somaliland Iyo Somalia"Cali Guray

    "Ma Jiro Wax Wadahdal Ah Oo U Dhexeeya Somaliland Iyo Somalia"Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma Jiro Wax Wadahdal Ah Oo U Dhexeeya Somaliland Iyo Somalia"Cali Guray

"Ummad Yahay Tiraa Kaa Gedmane Wax Isu Geygeyso

Yaa Yidhi Wadahadal Baa Jira?

Ma jiro wax wadahdal ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Somalia. Wadahadaldii xiligii Axmed Silanyo bilaabmay kii ugu dambeeyay wuxu ku burburay dalka Turkiga, intii aanu Farmaajoba Somaliya ka noqon Madaxwayne. Kulankii Turkigu sidii uu u burburay ee loogu kala kacay dib la isuguma soo noqonin. Hadana Somaliland intaa waxa lagu muransan yahay oo la isku haystaa wadahadalo aan jirin weliba laga yaabo in aanay jiri doonin mustaqbalka dhaw. Hadiiba wadahadaladii dib loo bilaabayo waxa muuqata tijaabadii hore ee fashilantay in labadii dhinac aanay xataa wax casharo ah ka baranin oo kuwa dambe hadiiba ay dhacaan aanay waxba ka duwanaan doonin kuwii fashilay waxa natiijo ahna aan laga gaadhi doonin, arinkuna sidii hore middi middi ku taag iyo I jiid aan ku jiido iyo gacmo daalis uu noqdo.

Laba dhinac ee leh waanu wada hadlaynaa xataa heshiis kuma ahayn: horta adigu kumaad tahay aniguna kumaan ahay. Siyaasiyiinta Muqdisho waxay taagan yihiin anagu dawladdii Soomaaliyeed (Smalia iyo Somalilandna) ayaanu u taagan nahay idinkuna goboladii waqooyi oo cadho ku maqan baa tihiine aynu wada hadalo wixii aad tirsanaysaan diyaar baanu u nahay in aanu ka garwno, nabaradii hore bogsiino qaranimadii soomaaliyeed ee burburtayna la’aantiin lama soo celin karo eh aynu soo wada celinno. Ka dib dawladdii sadexaad oo ka duwan labadii hore aynu wada dhisno qayb libaaxna weliba idinku yeelataan waayo waxanu idiin ogolaanaynaa wax kasta oo aan ahayn kala go’. Haye, dhinaca kale ee Hargeysi iyaguna saw maaha idinku Somalia-dii Talyaaniga ayaa tihiin anaguna tii Ingiriiska, ka dib midnimadii lixdankii markii ay burburtay 1991kii waxanu dib ula soo noqonay madaxbanaanidii aanu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska 26June 1960kii. Markaa laba dawladood oo siman ayaynu kala nahaye sidaa aqbala gooni-isu-taagga Somaliland gorgortan ma laha eh.

Labadaasi marka hore hadii aanay heshiis ku ahayn kumaad tahay aniguna kumaan ahay bal yaa ii sheegi kara waxa kale ee ay ku heshiis karaan? Ma jirto Ayaan filayaa cid garanaysa oo ii sheegi kartaa. Hadaba waxan ay Somaliland isku haystaa ee salaadiintana lagu haystaa miyaanay noqonay wadahadlo aan jirin oo been ah iyo dayaxu wuu kabashkabash leeyahay, hadduu kabashkabash leeyahay ma kabaad u toli,hadaan u tolo maadigaa kala bixi.

Ugu dambaystii Somaliland siyaasiyiin, Salaadiin, iyo waxgaradkeedu maaha inay isku mashquuliyaan ama ku murmaan wadahadalada Somaliya xiligan waayo wax badan oo ka muhiimsan ayaa jira oo mudan in laga hadlo oo ah dhibaatooyinka xiligan ka jira gudaha oo laga yaabo haddii si toos ah oo run ah loo wajihin, looga wada hadlin, talo midaysanna aan laga wada yeelan laga yaabo in xaaladda Somaliland ay heer xun gaadhi karto oo aan laga soo waaqsan karin, halisna gelin karta wadajirka iyo midnimada, iyo weliba qaranimada ay Somaliland sheeganayso, waayo Somaliland waxay ku jirtaa xili ay baylahdeedu badan tahay dagnaansho badan oo cadawgeedu ka faaiidaysan karaana ay jiraan.”