Beesha caalamka oo ugu baaqday dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in khilaafka meel iska dhigaan oo usoo jeestaan dagaalka Covid19

0
Sunday April 12, 2020 - 17:37:12 in by salman abdi
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha caalamka oo ugu baaqday dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in khilaafka meel iska dhigaan oo usoo jeestaan dagaalka Covid19

    Beesha caalamka oo ugu baaqday dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in khilaafka meel iska dhigaan oo usoo jeestaan dagaalka Covid19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha caalamka oo ugu baaqday dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in khilaafka meel iska dhigaan oo usoo jeestaan dagaalka Covid19
Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa bayaan kasoo baxay maanta waxay ku ammaaneen mas'uuliyiinta Soomaaliya tallaabooyinka ay qaadeen si loo xakameeyo faafitaanka viruska Covid19, tilaabooyinkaas oo ay ka mid yihiin wacyigelinta, talaabooyinka karantiilnimada, iyo kala fogaanshaha bulsho.

Saaxiibadu waxay xuseen in faafitaanka fayrasku uu yahay caqabad caalami ah, isla markaana ay tahay in si wada jir ah loo wajaho. Waxay hoosta ka xariiqeen in xilligan la joogo loo midoobo ka hortagga caqabadan aan horay loo arag.

"Jawaabtu waxay u baahan doontaa midnimo, iyo in khilaafaadka iyo rabshadaha la dhigo,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Beesha caalamka waxay xustay codsi ka yimid guddiga Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta caalamiga ah, waxayna ku dhiirigeliyeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay soo afjaraan khilaafka.

Waxay ugu baaqeen al-Shabaab iyo kooxaha kale inay joojiyaan falalka rabshadaha iyo argaggixisannimada isla markaana ay suurta geliyaan in kaalmadu gaarto dhammaan bulshooyinka baahan.

Waxay sidoo kale ku booriyeen dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah inay dib u bilaabaan iskaashi wax ku ool ah si loo hormariyo muhiimadaha qaran iyo in la iska kaashado sidii loo yareyn lahaa halista viruska.

Waxay xuseen in khilaafaadka siyaasadeed ee sharci ah ay u baahan doonaan wada hadal iyo rabitaan lagu abuuro isafgarad.

"Fayrasku wuxuu u baahan yahay midnimo ma aha oo keliya dalalka dhexdooda laakiin wuxuu u dhexeeya deriska iyo gobolka. Wada-hawlgalayaasha ayaa ku dhiirrigelinaya Soomaaliya iyo waddamada gobolka in ay yareeyaan caabuqa, xoojiyaan nidaamyada caafimaadka, iyo in la xoojiyo adkeysiga bulshada, iyo sidoo kale in la furo jidadka ganacsiga ee muhiimka ah, lana fududeeyo isu-socodka maaliyadeed ee gaarka ah ee muhiimka ah,” ayaa lagu yidhi bayaanka.