kiisaska Coronavirus oo sii kordhay iyo dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Bandow
kiisaska Coronavirus oo sii kordhay iyo dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Bandow Wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shaacisay in 4 qof cusub ayaa laga helay xanuunka Coronavirus, taasoo tirada guud ee dadka qaba cudurka ka dhigaysa 25 Qof.
Wasiirka caafimaadka waxay sheegtay in sidoo kale tirada dhimasahadu marayso labo qof, iyadoo sheegtay in xildhibaan kamid ah barlamaanka Hirshabelle uu u geeriyooday cudurka.
Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka Bilayska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay bandow habeenkii ah oo ka bilaabandoona magaalada Muqdisho saacaddu tahay markay tahay 8.PM – illaa 5.AM, laga bilaabo Arbacada oo ku beegan 15-ka Abriil.
Bandowgaan ayay dowladdu ku doonaysaa inay ku xakamayso dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka dadweynaha, kadib markii wacyi galintii dadku qaadan waayeen ayna iska indho tireen talooyinka caafimaadka ee loosoo jeediyay.
Si kastaba ha ahaatee, Ma jirto magaalo kale oo Soomaaliyeed oo laga diiwaan galiyo tirada intaas le’eg oo dadka cudurku uu soo ritay ah iyo kuwa u dhintay.
Hase yeeshee, magaalooyinka Burco iyo Berbera ee katirsan Somaliland, ayaa laga helay labo kiis ah oo kaliya.