Agaasime ku-xigeenka Warbaahinta Goobjoog oo Muqdisho lagu xiray
Agaasime ku-xigeenka Warbaahinta Goobjoog oo Muqdisho lagu xiray Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ah Agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu xiray saldhigga ciidamada booliska ee degmada Hodan.
Xarigga wariyaha ayaa yimid kadib markii lagu wargeliyay inuu yimaado saldhigga uu ku xiranyahay, sida mas'uuliyiinta Warbaahinta Goobjoog ay u sheegeen HOL.
Tafaftiraha Goobjoog Hanad Cali Guuleed ayaa innoo xaqiijiayay in Xasan Maxamud oo ah Agaasimaha Goobjoog iyo Cabdicasiis Gurbiye ay ku wargeliyeen isaga, kahor inta aysan ka bixin xafiiska inuu shaqada sii wado, iyagana looga yeeray saldhigga Degmada Hodan, dhowr daqiiqo kadibna ay heleen xogta xarigga agaasime ku-xigeenkooda.
Waxa uu sidoo kale Hanad Guuleed uu tilmaanay in inkastoo aysan si rasmi ah u ogeyn sababta loo xiray, haddana ay u maleynayaan in jeelka loo dhigay xogta Wararka Coronavirus oo uu aad tebin-jiray.
Dowladda Soomaaliya , gaar ahaan booliska kama aaney hadal xarigga Weriye Gurbiye, laakiin xildhibaanno dhinaca mucaaradka ah iyo suxufiyiin qoraallo soo dhigay baraha bulshada ayaa codsaday in si dhaqso ah loo sii daayo.
Hay'adaha u dooda saxaafadda iyo Suxufiyiinta ayaa horay dhowr jeer Soomaaliya ugu daray dalalka ugu halista badan oo ay saxaafadda ku shaqeyso, iyadoo dhowaanna Amnesty international ay sii daaysay Warbixin ay ka dhex muuqanayeen Wariyayaal la caburiyay oo dalka isaga cararay, walow dowladda warbixintaasi xogtii jirtay beenisay.