Xog-cusub:-Maraakiibta Sacuudiga Oo Bilaabay Inay Isticmaalaan Marinada Biyaha Ee Geeska Afrika
Xog-cusub:-Maraakiibta Sacuudiga Oo Bilaabay Inay Isticmaalaan Marinada Biyaha Ee Geeska Afrika
Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen maraakiibtooda inay isticmaalaan khad cusub oo u dhaxeeya iyaga iyo dalalka Bariga Afrika, wakaalada wararka Sacuudiga (SPA) ayaa werisay sidaa.
Ku dhawaaqistaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Sacuudi Carabiya ay kor u qaadday maalgashiga dekeddeeda warshadaha King Fahd ee ku taalla xeebta Badda Cas si ay u buuxiso baahiyaha gobolka.
Khadkan cusub ee maraakiibta ayaa gacan ka geysan doona kor u qaadista gaadiidka xeebaha ee u dhexeeya dekedaha Boqortooyada iyo dekedaha Bariga Afrika.
Sacuudigu wuxuu sheegay inuu khadkan bixin doona adeeg toos ah oo toddobaadle ah oo cusub oo u dhaxeeya Boqortooyada, Kenya Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo loo sii marinayo 4 markab oo heeggan ah.
Xog-cusub:-Maraakiibta Sacuudiga Oo Bilaabay Inay Isticmaalaan Marinada Biyaha Ee Geeska Afrika
Xog-cusub:-Maraakiibta Sacuudiga Oo Bilaabay Inay Isticmaalaan Marinada Biyaha Ee Geeska Afrika