Vietnam weli kiis dhimasha ah lagama soo sheegin, Maxay sameeyeen oo mudan in la raaco

0
Saturday April 25, 2020 - 11:03:48 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Vietnam weli kiis dhimasha ah lagama soo sheegin, Maxay sameeyeen oo mudan in la raaco

    Vietnam weli kiis dhimasha ah lagama soo sheegin, Maxay sameeyeen oo mudan in la raaco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Vietnam weli kiis dhimasha ah lagama soo sheegin, Maxay sameeyeen oo mudan in la raaco

Iyadoo xanuunka Covdid-19 uu dunida ku sii baahayo waxaa jira hal dal oo aanay saameyn weyn ku yeelan dhibaatada xanuunkan.

Inkastoo Vietnam ay soohdin la wadaagto Shiinaha, halkaaso oo uu ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ah iyo tirada dadka kunool halkaasi oo 97 milyan yihiin ayaa waxaa haddana laga soo weriyay 268 kiis oo kaliya, dhimashana haba sheegin.

Vietnam ayaa bulshadeeda u abaabushay la dagaalanka coronavirus waxayna raaceen shuruucda xanuunkan dunida halakeeyay. Balse haatan waddankaasi ayaa bilaabay inuu qaado xayiraadihii saarnaa waxa uuna ogolaaday in iskuulada dib loo furo.

Marka sidee ayay u sameeyeen? Ma noqon kartaa waddo ay raacaan dalalka kale?

Xuduudaha ayay xireen

Dhammaan ajaaninta ayaa dalkaasi laga mamnuucayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDhammaan ajaaninta ayaa dalkaasi laga mamnuucay

Vietnam ayaa si dhakhsiya uga falcelisay markii dhamaadkii bishii Janaayo dalkeeda laga xaqiijiyay kiisas Coronavirus ah, waxayna durbadiiba xidhay soohdinta ay Shiinaha la wadaagto. Waxay sidoo kale bilowday tijaabinta heer-kulka dadka soo galaya dalkeeda.

Markii ay xaqiijsay in dhammaan kiisaskii laga helay ay noqdeen kuwa la keenay, dowladdu ayaa amar ku bixisay in qofkasto oo dalka soo galayo uu maro karantiil muddo 14-maalmood ah. Xitaa dowladdu waxay sameeysay iney hoteello kireeyso si dadka loogu karantiilo, waxayna ahaayeen kuwa bilaash ah.

Dhamaadkii bishii Maarso waxay dalkeeda ka mamnuucay iney soo galaan dhammaan ajaaninbta oo ay xitaa ka mid ahaayeen dadka Vietname ka soo jeeda ee haysta baasaaboorada kale.

Dabalgalka dadkii la kulmay qof uu ku dhacay Covid-19

.Lahaanshaha sawirkaAFP

Dadka laga helay coronavirus ayaa la gooni yeelay qofkasta oo la kulmana dadkaasi waa la daba-galayay kaddibna baaritaan ayaa lagu sameeynayay. Vietnam ayaa xaqiidii hergelisay iney dalkeeda ku sameyso qalabka wax lagu baaro oo aanu qiimihiisu badnayn.

Abaabulka bulshada

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dowladdu waxay bilowday olole wargelin ah oo dhammaan dalka oo dhan laga sameeyay, muuqaallo warbixino xambaarsan ayaa la baahiyay , waxaa sidoo kale magaalada lagu dhajiyay sawirro ka turjumaya qaabkii geesinimada lahaa ee dagaalkii Vietnam ay dadku u dagaallameen. Dalka Vietnam waxa uu aad ugu dheereeyaa abaabulidda bulshada.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Bulshada oo lagu khasbay karantiilka

.Lahaanshaha sawirkaAFP

Guushii laga gaaray joogidda gurayaha waxaa horseeday ciidamada ammaanka dalkaasi oo ku filnaaday iney meel mariyaan sharciga bandowga waxayna keentay in la xakameeyo faafidda xanuunka Covdi-19.

23-kii bishaan April ayaa waxaa xayiraadihii laga qaaday magaalada Hanoi iyo magaalooyin kale oo waaweyn balse 3 degmo ayaa weli uu saaran yahay bandowga kuwaasi oo ay ku nool yihin ilaa 450,000 oo qof.