Markii ugu horreysay ee la billaabay karantiilka la isaga ilaaliyo cudurrada faafa

0
Saturday April 25, 2020 - 11:15:28 in by salman abdi
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markii ugu horreysay ee la billaabay karantiilka la isaga ilaaliyo cudurrada faafa

    Markii ugu horreysay ee la billaabay karantiilka la isaga ilaaliyo cudurrada faafa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horreysay ee la billaabay karantiilka la isaga ilaaliyo cudurrada faafa

Tan iyo xilliyadii hore, bulshooyinku waxay isku dayi jireen inay kala saaraan dadka xanuunsan iyo kuwa caafimaadkoodu fiican yahay, iskarantiilidduna waxay soo billaabatay waqti fog.

Hadda oo uu dunida saameyn ba'an ku yeeshay cudurka Covid-19, waxaa nalagula taliyay "inaan iskeen isku karantiilno" haddii aan mar dhow kasoo laabannay meel dunida ka mid ah oo uu fayrasku si aad ah ugu fiday, ama haddii aan ognahay inaan xiriir la sameynay qof qaba xanuunka.

Si loo fahmo muhiimadda is-karantiilidda ee la isaga ilaalinayo cudurka safmarka ah xilligan dunidu casriga tahay, waxaa wax badan fududeyn karta in dib loo milicsado goortii uu soo billowday erayga "karantiil" laftiisa, kaasoo markii ugu horreysay ka kasoo abuurmay qaaradda Yurub.

Erayga "karantiil" wuxuu asal ku leeyahay Talyaaniga: Dadaal magaalooyinka xeebaha ah looga badbaadinayay cudurkii safmarka ahaa ee loo bixiyay Dhimashadii Madoobetd(Black Death), kaasoo qarnigii 14-aad faro ba'an ku hayay Yurub, waxaa maraakiibta ku xiraneysay magaalada Venice ee dalka Talyaaniga, gaar ahaan kuwa ka imaanayay meelaha uu cudurka saameeyay lagu amrayay inay muddo 40 maalmood ah xeebta agteeda joogaan, ka hor inta aysan dekedda kusoo xiranin.

.Lahaanshaha sawirkaTHE ARCHIVE OF DU LIST

Arrintaas oo hirgashay ayaa markii dambe loo aqoonsaday karantiil - erayga asalkiisa luuqadda talyaanigana waa 'quarantino', waana erayga af talyaaniga lagu yiraahdo muddada 40-ka maalmood ah.

Sanadkii 1374-kii, amar ayaa laga soo saaray magaalada Venice, wuxuuna dhigayay in dhammaan maraakiibta iyo rakaabkoodaba la geeyo jaziirad halkaas u dhow oo la yiraahdo San Lazzaro, ilaa inta mas'uuliyiinta caafimaadka ay uga oggolaanayaan inay magaalada galaan.

"Tallaabadan waxay horseedday in la cunsuriyeeyo maraakiibta iyo dadka ku safrayay ee ka imaanayay dalal cayiman iyo sidoo kale dadka kale ee sameynayay dambiyada joogtada ah ee ka dhacayay gudaha magaalada Venice," sidaas waxaa qoray Ante Milošević, oo ah barfasoor heysta shahaadada PhD-da.

.Lahaanshaha sawirkaIVAN VUKOVIĆ VUKA
Image captionWaddooyinka magaalada Dubrovnik waa cidlo waxaana sabab u ah karantiilka uu keenay Covid-19

Marka laga gudbo badda Adriatic, jaziiradda Ragusa (oo maanta ah magaalada Dubrovnik ee dalka Croatia), waxaa laga soo saaray amar sharci hirgalay sanadkii 1377-kii, kaasoo dhigayay in maraakiibta iyo dadka la socdaba ay galaan karantiil 30 maalmood ah, laakiin muddada karantiilka ayaa ugu dambeyn noqotay 40 cisho.

Wuxuu sidoo kale sharciga dhigayay in dadka koox kood loo karantiilo, iyagoo aan wax fursad ah la siineynin.

Lama oga sababta xilliga karantiilka oo ahayd 30 maalmood looga dhigay 40 maalmood: dadka qaar waxay ku micneeyeen in 30 bari ay ku filnaan weysay xakameynta cudurka fidayay.

Magaalada Dubrovnik, oo waqti xaadirkan ku jirta karantiil uu sababy cudurka Covid-19, dhaqdhaqaaqyadeedii dalxiiska - oo ah isha ugu weyn ee uu dhaqaalaha kasoo galo waddanka Croatia iyo magaalada qudheedaba - ayaa hakad galay.

.Lahaanshaha sawirkaIVAN VUKOVIĆ VUKA
Image captionQarniyo ka hor, Ragusa(oo hadda la yiraahdo Dubrovnik) waxay ahayd dakad awood ku leh ganacsiga

Si ka duwan sida uu horay u ahaa sharciga karantiilka ee magaalada Dubrovnik, maanta waxaa dadka loo oggol yahay inay si iskood ah shakhsi ahaan isugu karantiilaan, iyagoo jooga guryahooda, wax ciriiri ahna aan dareemeynin, ama aan lagu khasbeynin in meel lagu hayo.

Hase ahaatee dhibaatada heysata dadka ku nool magaalada Dubrovnik waa inay u daggan yihiin si koox koox ah, hal meel ayeyna ku wadanool yihiin qoysaska oo ay ka mid yihiin hooyada iyo aabaha iyo waliga awoowaha iyo ayeeyada.