War Deg Deg Ah:-Turkiga oo muwaadiniintiisa si kumeel gaar ah kaga daad gureeyay Soomaaliya

0
Sunday April 26, 2020 - 09:33:37 in by salman abdi
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Turkiga oo muwaadiniintiisa si kumeel gaar ah kaga daad gureeyay Soomaaliya

    War Deg Deg Ah:-Turkiga oo muwaadiniintiisa si kumeel gaar ah kaga daad gureeyay Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Turkiga oo muwaadiniintiisa si kumeel gaar ah kaga daad gureeyay Soomaaliya Dawladda Turkiga ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya kala baxday sababa la xidhiidha walaaca faafitaanka cudurka Coronavirus awgiis. Bixitaankaan ayaa ah amar ka yimid madaxweynaha dalkaas.

 

"Digtoonaantii uu qaatay Madaxweynaheena si looga hortago faafitaanka Covid-19, muwaadiniinteenna ku sugnaa gudaha Soomaaliya ayaa si ku meelgaar ah uga soo guuray Muqdisho una aaday dhanka Turkiga, iyagoo raacaya tilmaamaha lagu keenayo dalka Turkiga,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lagusoo daabacay bagga faceboook-ga ee safaarada Turkiga –Soomaaliya.

Muwaadiniinta uu Turkigu kala baxay Soomaaliya, ayaa isugu jiray shaqaalihii ka howlgalayay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho iyo kuwo kale oo u shaqeeynayay shirkaddaha Turkiga ee qandaraasyada horumarineed ka wada Soomaaliya.

Shaqaalahaan waxaa lagu daabulay diyaarad qaas ah oo madaxweynaha dalkaas uu usoo diray magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Turkiga ay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka cudurka Coronavirus.