War Deg Deg Ah:-Hirshabeelle oo ku waabariisatay Mooshinno iska soo horjeeda

0
Monday April 27, 2020 - 10:41:39 in by salman abdi
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Hirshabeelle oo ku waabariisatay Mooshinno iska soo horjeeda

    War Deg Deg Ah:-Hirshabeelle oo ku waabariisatay Mooshinno iska soo horjeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Hirshabeelle oo ku waabariisatay Mooshinno iska soo horjeeda

Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa qaar ka mid ah xildhibaannada baaralamaanka maamulkaasi waxa ay xalay ka soo gudbiyeen mooshin ay doonayaan in ay xilka kaga qaadaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulak Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uu qabtay oo uu gacanta ku hayo mooshinka ka dhanka ah madaxwayne Waare.

Mr Cismaan ayaa BBC-da u sheegay in madaxwayne Waare ay tahay markii saddexaad ee mooshin laga keeno tan iy intii uu xilka qabtay.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in madaxwayne Waare lagu eedeeyay " in uu ku tuntay dastuurka,tagrifalid awoodeed iyo musuqmaasuq baahsan ".

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulak Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre MaxamedLahaanshaha sawirka.
Image captionGudoomiyaha baarlamaanka maamulak Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed

"Mooshin ayaan gacanta ku hayaa laga keenay waa markii saddexaad oo laga keeno mooshin kalsooni kala noqosho ah ka dib markii lagu soo eedeeyay qodobo badan oo ay ka mid yihiin inuu ku tuntay dastuurka,ku tagrifalidda awoodda iyo musuqmaasuq baahsan", ayuu yiri Mr Cismaan.

Mr Cismaan ayaa xusay in mooshinkan ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan oo doonaya in xilka laga qaado madaxwayne Waare.

"Aniga waxaa la ii keenay mooshin ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan, xildhibaanada waajibka ugu wayn ee ay qabtaan waa sharci dajinta, matalaadda shacabka iyo la xisaabtan, marka waa qeyb la xisaabtanka ka mid ah", ayuu yiri gudoomiye Cismaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa dhanka kale qiray inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxwayne Waare.

Balse waxa uu beeniyay in khilaafku yahay mid shaqsiyadeed isaga oo sheegay in uu yahay mid ku saleysan dastuurka.

"Khilaafka naga dhaxeeya waa mid dastuuri ah, anaga waxaan halkan ku joognaa sharci, qof ra'yigii halkan kuma joogno, waxaan nahay dad hoose yimaadda dowladda Soomaaliyeed, dhisteena dadka reer Hirshabeelle ee ka kooban labada gobol," ayuu yir Mr Cismaan.

Waxaa uu intaa ku daray in madaxwaynaha uu doonayo in uu "ra'yigiisa ku maamulo" Hirshabelle.

"Madaxwaynaha waxaa uu caadaystay oo uu sharci ka dhigtay inuu ra'yigiisa ku maamulo Hirshabeelle anigana hay'addii sharci dajinta ayaan madax ka ahay," ayuu intaa ku daray.

Ma jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dhanka madaxwaynaha Hirshabeelle oo ku aadan mooshinkan.

Dhanka kale, waxaa iyana jira xildhibaanno kale oo barlamaanka Hirshabelle ka tirsan oo iyana isla guddoomiyaha Baaralamaanka Cismaan Barre Maxamed, ka gudbiyey mooshin ay ku doonayaan in ay xilka kaga qaadaan.

Guddoomiya ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabelle, Cabdi Xuseen Geeddi, ayaa BBC u sheegay in mooshinkan ka dhanka ah gudoomiyaha baarlamaanka ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha barlamaanka Hirshabelle.

"Mooshinka caawa waxaa ii keenay xildhibaano dhowr iyo Soddon gaaraya guriga ayay iigu keeneen waxaa soo saxiixay xildhibaano gaaraya 63 xildhibaan oo baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan," ayuu yiri Mr Geedi.

Guddoomiya ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabelle, Cabdi Xuseen Geeddi,ayaa farta ku fiiqay in mooshinkan laga keenay gudoomiyaha baarlamaanka qodobada loo cuskanayo ay ka mid yihiin in uu caqabada ku noqday howlihii baarlamaanka Hirshabeelle.

"Sababta loo keenay oo ay sabab uga dhigeen waxay tahay inuu caqabad ku noqday baarlamaanka howshiisii in la socodsiiyo iyo howlihii fulinta ay laheyd faragalin uu ku sameeyay," ayuu yiri Mr Geedi.

Mooshinadan iska soo horjeeda ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Soomaaliya uu fara ba'an uu ku hayo feyrsika Corona islamarkana aysan sahlanayn in kulamo ay yeeshaan baarlamaanka.