Al-shabaab oo sadax qof ku toogtay fagaare ku yaalla Ceelbuur Iyada Oo Lagu Jiro Bisha Barakaysan Ee Ramadan.

0
Wednesday April 29, 2020 - 19:31:55 in by salman abdi
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo sadax qof ku toogtay fagaare ku yaalla Ceelbuur Iyada Oo Lagu Jiro Bisha Barakaysan Ee Ramadan.

    Al-shabaab oo sadax qof ku toogtay fagaare ku yaalla Ceelbuur Iyada Oo Lagu Jiro Bisha Barakaysan Ee Ramadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-shabaab oo sadax qof ku toogtay fagaare ku yaalla Ceelbuur Iyada Oo Lagu Jiro Bisha Barakaysan Ee Ramadan. Sida lagu qoray warbaahinta taageerta Al-shabaab, kooxdaasi ayaa saddax ruux ku dishay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyagoo ku eedeeyay iney ahaayeen basaasiin la shaqeynayay dowladda Mareykanka islamarkaana ka gacan siiyay weerarro dhinaca cirka ah oo lagu qaaday deegaanno ay maamulaan.

 

Saddax ruux ee la dilay ayaa waxey magacyadooda ku kala sheegeen Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 jir ahaa iyo Bashiir Maxamuud dhagoo oo isagana jiray 22 sano iyo Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo la sheegay isagana inuu jiray 50 sano sida lagu sheegay warka mareegaha wararka Al-shabaab ay baahiyeen.

Garsoore ka tirsan Al-shabaab ayaa waxa uu fagaaraha lagu dilayay dadkaasi ka akhriyay eedaha loo haaystay, dhinaca kale dadka la hor geeyo maxkamadaha Ururkaasi ma helaan abuukaatayaal difaaca.

Dhinaca kale maamullada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle oo ay Al-shabaab sheegeen iney dadkaan shaqaaleysiiyeen kama hadlin illaa iyo hadda, sidoo kale ciidamada Mareykanka kama hadlin hadalka shabaab kasoo baxay ee ku aaddan in raggaasi ay la shaqeynayeen waaxda dhinaca duqeymaha ee AFRICOM.

Al-shabaab dhowr jeer oo hore ayeey dil ku fuliyeen dad ay sheegeen iney u basaasayeen dhinacyada kasoo horjeedo.