Madaxii hore ee Qaramada midoobe ee Soomaaliya Augustine Mahiga oo Tanzania ku geeriyooday

0
Friday May 01, 2020 - 11:10:12 in by salman abdi
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii hore ee Qaramada midoobe ee Soomaaliya Augustine Mahiga oo Tanzania ku geeriyooday

    Madaxii hore ee Qaramada midoobe ee Soomaaliya Augustine Mahiga oo Tanzania ku geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxii hore ee Qaramada midoobe ee Soomaaliya Augustine Mahiga oo Tanzania ku geeriyooday Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha sharciga Tanzanja Augustine Mahiga ayaa ku geeriyooday caasimadda waddankaasi ee Dodoma, aroortii hore ee saaka ayaa waxaa kusoo booday xanuun oo uu geeriyooday sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday dowladda.

 

Danjire Mahiga ayaa waxa uu ahaa diblumaasi muddo dheer soo shaqeeyay, waxa uuna mar soo maamulay xafiiska Qaramada midoobe ee Soomaaliya xilligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxa aad loogu xusuustaa kaalintii uu kulahaa shirkii heshiiskii Kampala ee uu xilkii ra'isul wasaaranimo uga tegay madaxweynaha hadda xilka hayo ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waayadii dembe wuxuu ahaa wasiir aad uga muuqanayay warbaahinta, waxa uuna ka hadli jiray arrimaha dalkiisa Tanzania.