Seynisyahanno u dhashay UK oo soo saaray dawo loogu talagalay Covid-19

0
Monday May 04, 2020 - 09:29:48 in by salman abdi
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seynisyahanno u dhashay UK oo soo saaray dawo loogu talagalay Covid-19

    Seynisyahanno u dhashay UK oo soo saaray dawo loogu talagalay Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Seynisyahanno u dhashay UK oo soo saaray dawo loogu talagalay Covid-19

Dawo cusub oo ay seynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska usoo saareen cudurka Covid-19 ayaa lagu tijaabiyay Isbitaalka Jaamacadda Southampton ee waddankaas.

Dawadan oo ay iska kaashadeen khubaro caafimaad ayaa ka kooban burutiin ama nafaqo lagu magacaabo " interferon beta", taasoo ah dhacaan uu jirkeenna soo saaro marka uu la kulmo fayras ku dhex faafaya.

Natiijooyinka hordhaca ah ee tijaabada lagu sameeyay dawadan ayaa la filayaa inay soo baxaan dhammaadka bisha June.

Waxaa hadda jira dawooyin shaqeynaya oo ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan inay ku xoojiyaan difaaca jirka dadka bukaannada ah.

Maxay tahay dawada cusub?

Maadada laga sameeyay dawadan waa dhacaannada ay soo saaraan unugyada unugyada difaaca jirka, marka ay la dagaallamayaan fayras soo food saaray, iyagoo jirka intiisa kaena ku wargalinaya inay dhibaato timid, sida uu sharraxayo Richard Marsden, oo ah madaxa shirkadda dawadan soo saartay ee lagu magacaabo Synairgen, oo fadhigoodu yahay magaalada Southampton.

Waxa uu sheegay in coronavirus uu u muuqdo in saameynta ugu weyn ee uu geysto ay tahay inuu daciifiyo unugyada difaaca jirkeenna.

Dawadan oo khaas ah waxaa loogu talagalay in ay awood siiso difaaca jirka ee la dagaallamaya fayraska, rajada ugu weyn ee laga qabana waa in ay joojiso fiditaanka uu fayraska ugu dhex faafo jirka iyo sidoo kae inay caawiso dadka uu markii horeba difaaca jirkoodu daciifka ahaa.

Maadada ay ka sameysan tahay dawadan ee la yiraahdo "Interferon beta" waxaa badanaa loo adeegsadaa cudurrada hakiya shaqada unugyada jirka, ee u diida inay isbaddal caafimaad sameeyaan.

Dalladda ay ku mideysan yihiin khubarada seyniska caafimaadka iyo tiknoolojiyadda ee Synairgen waxay horay u muujisay sida ay diyaar ugu tahay xoojinta difaaca jirka iyo sambabbada dadka bukaannada ah ee qaba xanuunnada neefta iyo cudurrada kale ee sambabbada.

Hase yeeshee howsha ay hadda qabteen, oo ah dawada ay u soo saareen cudurka Covid-19 waxaa laga mahad naqi doonaa marka ay soo baxdo natiijo fiican, maadaama dad bukaanno ah tijaabo ahaan loo siiyay.


Bukaanka sawirka ka muuqda

.Lahaanshaha sawirkaBBC PANORAMA
Image captionKaye Flitney

Kaye Flitney, waxay ka mid tahay 75 ruux oo loo diiwaan galiyay in lagu sameeyo tijaabada caafimaad, waxaana muuqaal khaas ah ka sameeyay barnaamijka BBC-da ee Panorama.

Bukaannada iyadoo kale ah waxaa looga baahan yahay inay neef ahaan u qaataan dawadan, si ay dhakhso ugu gaarto gudaha hoose ee sambabbada.

Kaye, oo 67 jir ah waxaa dhib ku ah inay fariisato sariirta ay isbitaalka ka jiifto, wayna qufaceysaa iyadoo qaabka dawada afka usii wadda.

Waxay sheegtay in markii ugu horreysay ee ay ogaatay inuu ku dhacay coronavirus aysan ka fikirin xaaladdeeda caafimaad.

"Waxaan u cabsaday seygeyga, sababtoo ah wuxuu qabaa wadne xanuun. Cudurka wuu dili karaa isaga."

Haweeneydan oo isbitaalka la geeyay kaddib markii ay ku adkaatay neefsashada, waxay sheegtay in qaadashada daawada aysan dhib weyn kala kulmin.

"Maba dareemeysid inaad qaadaneysid ilaa aad ka dhammeysid. Aad uma xuma. Xitaa guriga waan ku isticmaali karaa," ayey tiri.