Shiinaha oo jawaab kulul siiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Dalka Mareykanka

0
Tuesday May 05, 2020 - 08:55:45 in by salman abdi
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo jawaab kulul siiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Dalka Mareykanka

    Shiinaha oo jawaab kulul siiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Dalka Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shiinaha oo jawaab kulul siiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Dalka Mareykanka

Warbaahinta Qaranka Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaab celisay hadalkii ka soo yeeray xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo kaasi oo tibaaxayay in coronavirus uu ka soo unkamay mid ka mid ah sheybaarada Shiinaha. Wuxuuna shiinaha hadalkaasi ku tilmaamay mid waalli ah oo aan laga fiirsan.

Mike Pompeo ayaa Axaddii shalay ahayd sheegay in ay hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay.

Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yiri oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku dagdagyaan edeyenta iyagoo utaag la' xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo badhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha.

Sheybaarka WuhanLahaanshaha sawirkaAFP

Seynisyahanno badan ayaa aaminsan in coronavirus uu ka soo unkamay xaywaanada duurjoogta ahi ee lagu kala iibsado seyladaha dalkaasi Shiinaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in coronavirus lagu sameeyay shaybaar ku yaal waddanka Shiinaha.

Hase yeshee xafiiska agaasimaha guud ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegay in ay weli baarayaan sida uu fayraskan ku bilowday balse ay ogaadeen in Covid-19 "uusan ahayn wax uu qof sameeyay ama unugyadiisa la farsameeyay".

Tan iyo markii uu cudurkaasi ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa coronavirus waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay ku dhawaad 3.6 milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida halka in ka badan 249,000 oo qofna ay u dhinteen.