Gudaha:-"Maanta Lama Joogo Wakhtigii Aynu Is Dhaliili Lahayn, Wax Walba Wada Tashi Ha Lagu Dhammeeyo"

0
Tuesday May 05, 2020 - 11:51:36 in by salman abdi
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-"Maanta Lama Joogo Wakhtigii Aynu Is Dhaliili Lahayn, Wax Walba Wada Tashi Ha Lagu Dhammeeyo"

    Gudaha:-"Maanta Lama Joogo Wakhtigii Aynu Is Dhaliili Lahayn, Wax Walba Wada Tashi Ha Lagu Dhammeeyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-"Maanta Lama Joogo Wakhtigii Aynu Is Dhaliili Lahayn, Wax Walba Wada Tashi Ha Lagu Dhammeeyo" Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku baaqay in wax kasta oo jira in iskaashi iyo wada tashi laga gaadho, lagana digtoonado in la is dhaliilo. Xildhibaan Maxamed Salaax Cige,oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ,ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay ‘Maanta Adduunkii go’doon buu ku jiraa, oo isku socodkii iyo xidhiidhkii Waddamada Caalamku meesha way ka baxeen, waxaana sabab u noqday cudurka Coronavirus, oo illaa hadda xal loo waayey, sidaas darteed Waddamadii ugu dhaqaalaha badnaa ayuu saamaynta ugu xooggan ku yeeshay, sidaas awgeed maanta lama joogo wakhtigii aynu is dhaliili lahayn, ee wax walba wada tashi ha lagu dhammeeyo, oo ha lagu dadaalo sidii aynu uga hor tagi lahayn inuu cudurkani dadkeena iyo dalkeena ku faafo, daweeyntana waxaa ka wanaagsan ka hor taga”

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, ayaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku booriyey kuna dhiirigeliyey inay aad isku ilaaliyaan, waxaanu ku taliyey in bariyada ALLE aan marnaba la joojin, ee la badiyo ALLE ka cabsiga iyo cibaabadada.