Xog-xasaasiya ah:-''Beesha axmed faarax Biciide maanta laga bilaabo inay la talo tahay, Beelaha biciide'' Boqor Buur-Madow.

0
Thursday May 07, 2020 - 10:38:00 in by salman abdi
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-xasaasiya ah:-''Beesha axmed faarax Biciide maanta laga bilaabo inay la talo tahay, Beelaha biciide'' Boqor Buur-Madow.

    Xog-xasaasiya ah:-''Beesha axmed faarax Biciide maanta laga bilaabo inay la talo tahay, Beelaha biciide'' Boqor Buur-Madow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-xasaasiya ah:-''Beesha axmed faarax Biciide maanta laga bilaabo inay la talo tahay, Beelaha biciide'' Boqor Buur-Madow. - Goor dambe oo habeenkii xalay ahayd ayaa boqor buurmadow hadal qodobo u badan u ku faafiyey baraha bulshadu ku kulanto ee facebook, waxaana boqor buurdmadow ka hadlay dhacdadii beesha axmed faarax biciide ee habar jeclo iyo beesha sacad yoonis ee ku dhex martay degmada fadhigaab ee gobolka sanaag, taas labada beelood ee walaalaha ahi dagaal hub la isu adeegsaday uu khasaare ka soo gaadhay isla deegaanka fadhigaab, boqor buurmadow oo dadka ugu dambeysay waraysi lagula yeeshay khadka taleefanka laguna waydiinayay jabhadda la magac baxday xaqdoon iyo xaaladda u dhaxeysa madaxweyne biixi, sidoo kale boqor buurmadow waxaa uu hadalkiisan ku bilaabay sidan.

Marka hore waxaan tacsi udirayaa dhamaan Dadkii ehelka ahaa ee kudhintay fadhigaab Iyo intii ku dhaawacantay eheladii aykabaxeen Waxaan leeyahay samir iyo iimaan Runtii waan ladanahay tacsida aniga oo xanuunsanaayey awgeed waxaan cidwalba ucadaynayaa dhamaan beelaha aan odayaashooda nahay waxaa naga go aan ah Arinta fadhigaab inaanu kudhamayno dariiqii Aanu kusoo afjarnay colaadii dabada dheerayd Ee boho iyo idarays mana ogolaan doono

CID abaabusha wax colaad ah waxaanu umada soomaaliland ucadaynaynaa inaanu fulindoono Dhamaan qodobadii shirkii burco ee ay ku heshiiyeen garxajis iyo habarjeclo waxaan Cidwalba ucadaynayaa arintan waxaan kagawakiil ahay dhamaan beelaha biciide.iyo guud ahaanba beelaha habarjeclo Waxaanu islaqaadanay beesha axmed faarax Biciide maanta lagabilaabo inay latalo tahay Beelaha biciide iyo guud ahaan habarjeclo Waxaan baraha bulshada ku arkaayey Dhalinyaro ukala abtirinaysa beelaha habarjeclo Arinkaas raaligelin baanu kabixinaynaa Waxaan kale oo aan qurbajooga kuwargelinayaa inaykadheeraadan abaabulka colaada nabadana nagalashaqeeyaan Beelaha soomaaliland waxaanu kuwargelinaynaa dhamaantood inaynagala shaqeeyaan nabadgelyada beelaha walaalaha ah Xukuumada waxaanu ugadigaynaa inayku kacdo go aamo dhaawacikara qaranimada iyo wadajirka soomaaliland marwalba waxaanu diyaar unahay wado kasta oo loomaraayo Ilaalinta qaranimada iyo isutanaasulka Wabilaahi tawfiiq