Cudurka Corona oo ku sii faafaya Aqalka cad ee Mareykanka

0
Saturday May 09, 2020 - 08:27:48 in by salman abdi
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Corona oo ku sii faafaya Aqalka cad ee Mareykanka

    Cudurka Corona oo ku sii faafaya Aqalka cad ee Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Corona oo ku sii faafaya Aqalka cad ee Mareykanka

Kaaliya sare oo ka tirsan xafiiska madaxwayna ku xigeenka Mareykanka ayaa laga helay cudurka Corona maalin uun ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalaha Aqlaka cad laga helay Covid-19.

Katie Miller, ayaa noqonaysa sargaalkii labaad oo ka tirsan Aqalka cad oo toddobaadkan cudurka laga helo.

Waxaa sidoo kale karantiil lagu sameeyay xubnaha qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxwayna ku xigeenka.

Aqalka cad ayaa sheegay in madaxwayne Trump iyo ku xigenkiisa imika maalin walba laga baaro cudurka islamarkana ilaa iyo imika aan feyrsika laga helin.

Mrs Miller ayaa u dhaxday kaaliyaha madaxwayne Trump, Stephen Miller.

Waxaa horey cudurka Corona looga helay mid ka mid ah saraakiisha militariga ah ee sida dhaw ula shaqeeya madaxwayne Trump.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in uusan ka walaacsanayn feyriska ku soo fidayo aqalka cad.

Mar wax laga waydiiyay sababta uusan u xiran qalabka Sanka lagu xirto mar uu dhawaan booqday meelo ka baxsan Aqalka cad ayaa waxaa uu sheegay in uu dadka ka fogaado.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

Madaxwaynaha ayaa caddeeyay in uusan jeclayn qalabka afka iyo sanka lagu duubto isaga oo sheegay in uusan jecleyn qaabka uu u ekaado marka uu xirto.

Mar wax laga waydiiyay suurtagalnimada in uu cudurka ku sii faafo Aqalka cad ayuu Mr Trump waxaa uu wariyayaasha u sheegay "waxa kali ah ee aad sameyn karto ayaa ah in aad qaado tallaabooyiin taxadar ah ."

Guddiga xakameynta cudurka Corona ee Mareykanka ayaa waxay sheegeen in maalin walba dalka Mareykanka imika la baaro 248,000 qof .