Tirada uu cudurka Corona soo ritay caalamka oo kor u dhaaftay 4 milyan

0
Sunday May 10, 2020 - 08:24:56 in by salman abdi
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada uu cudurka Corona soo ritay caalamka oo kor u dhaaftay 4 milyan

    Tirada uu cudurka Corona soo ritay caalamka oo kor u dhaaftay 4 milyan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada uu cudurka Corona soo ritay caalamka oo kor u dhaaftay 4 milyan

Tirada uu guud ahaan caalamka soo ritay cudurka Corona ayaa imika gaartay 4 milyan oo qof, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

Tirada cudurka ugu dhimatay guud ahaan caalamka ayaa sidoo kale imika kor u dhaaftay 277,000.

Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka tirada ugu badan uu cudurka soo ritay taasi oo ah afar meel marka loo dhigo hal meel.

Balse khubarada ayaa ka digaysa in tirada cudurka uu soo ritay laga yaabo in ay intaasi ka badan tahay maadaama heerka baaridda cudurka ay dalalka qaar aad u hooseysay.

Dhimashada maalin-laha ayaa hoos u sii dhaceysa qaar ka mid ah dalalka sida Spain, balse xayiraadaha oo la khafiifiyo ayaa waxay horseedi kartaa "wareeg labaad " oo feyrisku ku soo laba kacleeyn karo.

Dhanka kale, dowladaha ayaa dib u bilaabaya dhaqaalaha uu galaaftay cudurkan Saf-marka ee Corona.

Sargaal sare oo ka tirsan Shiimnaha ayaa sheegay in cudurka safmarka ah ee coronavirus uu ahaa"tijaabo wayn" oo bannaanka soo dhigtay sida hannaanka caafimaadka dadweynaha Shiinaha uu u liito.

Qirashadaas dhifka iyo naadirka ah, ee uu sameeyay Maareeyaha Golaha Caafimaadka Qaran ee Shiinaha Li Bin, ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii dhaleecayn joogta ah ay dibadda uga imanaysay Shiinaha taas oo ku aadanayd sida uu dalkaas cudurka ula tacaalay.

Dalka Taliyaaniga oo ka mid ahaa dalalka uu sida ba'an ugu dhuftay cudurka Covid-19 ayaa waxaa toddobaadkan lagu wadaa in la dabciyo xayiraadihii la soo rogay.