Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Baraawe

0
Tuesday May 12, 2020 - 17:44:09 in by salman abdi
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Baraawe

    Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Baraawe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Baraawe Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaseysa dagaal xalay ka dhacay deegaanka Ambareeso oo hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose , halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ururka Al-shabaab.

 
Dad ku sugan degmada Baraawe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in ay maqleen dhawaqa jug cuslus iyo madaafiic la isku adeegsaday dagaalkii xalay halkaasi ka dhacay.

In ka badan saacad ayuu socday dagaalka, waxayna wararka intaa ku darayaan in dabley hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Ambareeso , sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

Saraakiil sare oo u hadlay ciidamada xoogga Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay hayeen xogta ah weerarka Al-shabaab, iyagana ay sii diyaar garoobeen sida ay warbaahinta maxalliga ah ee dalka u sheegeen.

Si rasmi ah weli looma oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee halkaasi xalay ku dagaallamay. Hase-ahaatee wararka HOL ay ka heleyso Ambareeso ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku suganyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.