Soomaaliya oo isu diyaarinaysa ka faa'iidaysiga kheyraadkeeda Shidaalka

0
Wednesday May 13, 2020 - 09:26:21 in by salman abdi
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo isu diyaarinaysa ka faa'iidaysiga kheyraadkeeda Shidaalka

    Soomaaliya oo isu diyaarinaysa ka faa'iidaysiga kheyraadkeeda Shidaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya oo isu diyaarinaysa ka faa'iidaysiga kheyraadkeeda Shidaalka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo saartay qorshe boqcado shidaal laga halay oo ku yaal badda Soomaaliya ay ugu soo bandhigayso maalgashadeyaasha dunida 4 bisha August ee sannadkan.

Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay in talaabadani ay tahay uun shaacin ee marka la helo cid danaynaysa inay maal gashato oo shidaalkaa soo saarto la bilaabi doono wadaxaajoodka maalgashigaas.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed, oo BBC u waramay ayaa sheegay in waxyaabo badan oo la xiriira soo saaridda Shidaalka Soomaaliya horey looga soo baaraan-dagay .

" Qorshahani waa qorsha daba socda labo sheey inaan soo dhameystirnay sharcigii Batroolka ee waddan Soomaaliya lagu dhaqi lahaa iyo baaritaankii lagu sameeyay badda Soomaaliya labo jeer, " ayuu yiri Eng Cabdirashiid.

Waxaa uu intaa ku daray in imika ay la marayo marxaladii caalamka loo soo bandhigi lahaa in Soomaliya ay diyaar u tahay maalgashiga dhanka Shidaalka.

"Waxaan go'aansanay inaan soo bandhigno xirmooyiin ka mid ah xirmooyiinkii hore loo baaray si aan u muujinno in soomaaliya ciddii maalgashanaysa aan diyaar u nahay ayuu yiri," wasiirka Batroolka.

Goobaha ay Soomaliya kaga yaallan Xirmooyiinkan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baarista xogta shidaalka u xilsaartay shirkadda Spectrum.

Bishii Febraayo ee 2019 ayaa magaalada London waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay arrimaha shidaalka Soomaaliya kaas oo uu ka qeyb galay wasiirka macdanta iyo betroolka ee Soomaaliya.

Wasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed AxmedLahaanshaha sawirkaRADIO MUQDISHO
Image captionWasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed

Wasiirka batroolka iyo macdanta, Cabdirashiid Maxamed Axmed,ayaa sheegay in goobaha ay imika maalgalinta u doonayaan ay yihiin meelo horay loo sahmiyay.

Waxaa uu intaa ku daray in Buqcadaha ay imika soo bandhigayaan ay ku yaallaan deegaanada Jubbaland iyo Galmudug.

" Baraitaankii badda Soomaaliya lagu sameeyay wuxuu ka bilowdaa aagga Kismaayo ee Jubbaland ilaa iyo aagga Hobyo ee Galmudug, inta dhimanna waan dhameystiri doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, "ayuu yiri Mr Cabdirashiid.

Soomaalida ma ku heshiisay qeybsiga kheyraadka dalka?

Wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in xilligan ay tahay waqti ku haboon in la soo bandhigo qorshaha maalgashiga Shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo ay BBC wax ka waydiisay dhinacyada saluugsan mashruuca Shidaalka Soomaaliya sida qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa waxa uu sheegay in golayaasha baarlamaanka dowladda fedaraalka ay wada matalaan dhammaan gobolada Soomaaliya islamarkana ay iyaga sharci ka soo saareen qodidda Batroolka Soomaaliya.

"Way quman tahay inaan qorshana bilaawno sababtoo ah baarlamaanka Soomaaliya waxa matala xildhibaanno laga so doortay dhammaan maamul goboleedyada soomaaliya, sharcigana wuxuu soo maray intii loo baahnaa ee wada-tashi ah oo lagala tashaday dowlad goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka iyo dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed," ayuu yiri wasiirka.

Mr Cabdirashiid ayaa intaa ku daray in sharciga Batoolka uu saxiixay madaxwaynaha uuna ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowlada islamarkana "uusan khilaaf ka taagnayn".

"Madaxwaynaha wuu saxiixay(Sharciga) wuxuuna ku soo baxay faafinta rasmiga ah, Soomaali-na way isku raacsan tahay maanta khilaaf kama taagna in sharcigaan uu yahay sharcigii hagayay Bartoolka Soomaaliya," ayuu inta ku daray.

.Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption.

Qorshahan ma saameynayaan xirmooyiinkii ay Kenya iyo Soomaliya ku muransanyihiin?

Mar walba oo dowladda Soomaaliya ay soo bandhigayso qorshooyiin la xiriira xirmooyiinka Shidaalka ayaa waxaa dad badan xusuustoda ku soo dhacda muranka badda ee Kenya iyo soomaaliya.

Shirkii London ee 2019 lagu qabtay London waxay dowladda Kenya sheegtay in uu ahaa mid ay Soomaaliya ku soo bandhigaysay kheyraadka xirmooyiinkii lagu muransanaa.

Balse wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha imika ay soo bandhigayaan ee ay maalgalinta u doonayaan aysan ku jirin goobihii ay Kenya iyo Soomaaliya ku muransanaayeen.

"Waligeena horey uma soo bandhigin (xirmooyiinka lagu muransan yahay) hadana kuma jiraan", ayuu yiri Mr Cabdirashiid.

Dhibaatooyinka dalal badan ay ka dhaxleen shidaalka

Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, dalal badan na dhaqaale ahaan ay ku horumareen ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato horleh u horseeday dalal ay kamid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq oo tusaale loo soo qaato dalalka ay dhiabaatada ugu badan kasoo gaartay dhibaatooyinka laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga oo aan si wanaagsan loo qeybsanin.