Xog-xasaasiya Ah:-Al-shabaab oo shaaciyay inay madax furasho ka qaateen sii daynta haweeney u dhalatay Italy.

0
Wednesday May 13, 2020 - 09:33:13 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-xasaasiya Ah:-Al-shabaab oo shaaciyay inay madax furasho ka qaateen sii daynta haweeney u dhalatay Italy.

    Xog-xasaasiya Ah:-Al-shabaab oo shaaciyay inay madax furasho ka qaateen sii daynta haweeney u dhalatay Italy.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-xasaasiya Ah:-Al-shabaab oo shaaciyay inay madax furasho ka qaateen sii daynta haweeney u dhalatay Italy.

Afhayeenka al-Shabaab Cali dheere oo waraysi khadka taleefanka siiyay wargeyska Talyaaniga, La Repubblica ayaa u sheegay in kooxdu madax furasho ka qaadatay sii daynta haweenay samafal ahayd oo u dhalatay dalka Talyaaniga.

 


Cali Dheere ayaa sheegay madax furashadaas inay u adeegsan doonaan si ay ugu maalgaliyaan wuxuu ugu yeeray Jihaadka Soomaaliya iyo gobolka Bariga Afrika.

 

"Qayb ka mid ah lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu iibsado hubka loo baahan yahay in lagu fuliyo howlgallada Jihaadka," ayuu yidhi Afhayeenka al-Shabaab Cali Dheere.

"kala badh ayaa lagu isticmaali doonaa arrimaha horumarinta ee ka socda iskuulada, cuntada iyo daawooyinka la siinayo dadka baahan, iyo barnaamijyo tababaro ah oo la siinayo Boliskayaga oo ilaaliyaya hirgalinta shareecada, ”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Af hayeenka ayaa xaqiijiyay in kabadan 10 qof ay kaqeyb galeen afduubkii loo geystey Silvia Romano, laakiin wuxuu dafiray howlgalka in ay qorsheeyeen hogaamiyaasha Al-Shabaab.

Mar wax laga weydiiyay sababta aysan si fool xun ugula dhaqmin Silvia u ahayd badeecad qaali ah oo ay ka gorgortamaan.

"Silvia waxay ahayd badeecad qaali noo ah inaan gorgortan ku galno., AlShabaabna way ixtiraamaan dumarka,” ayuu yidhi afhayeenka Al-Shabaab