Maraykanka oo sheegay in cisbitaalada Tanzania xamili karin bukaanka Corona

0
Thursday May 14, 2020 - 09:55:28 in by salman abdi
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo sheegay in cisbitaalada Tanzania xamili karin bukaanka Corona

    Maraykanka oo sheegay in cisbitaalada Tanzania xamili karin bukaanka Corona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka oo sheegay in cisbitaalada Tanzania xamili karin bukaanka Corona

Safaarada Maraykanka ee Tanzania ayaa ka digtay inay jirto halis ah in sare u sii kacdo tirada dadaka qaba cudurka Covid-19 ee dalkaasi xilli dowladda Tanzania aysan caalamka la wadaageynin tirada dadka xanuunkaasi qaba.

Safaarada waxay intaasi ku dartay in cisbitaalada ku yaala cassimadda Daressalaam ay xamili kari la'yihiin tirada bukaanka la keenayo, iyadoo suurtagalnimada ah in fayruska lagu kala qaadi karaana ay aad u sareyso.

Hase ahaate safaarada ma aysan soo bandhigin cadaymo ay eedeymahaasi ku xaqijinayso.

Madaxweynaha Tanzania ayaa ku eedeyay saraakiisha caafimaadka inay buunbuuninayaan dhibaatada.

Kaniisadaha qaarkood ayaa xiran hase ahate kuwa soo haray ayaa aad loo buux dhafiyayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionKaniisadaha qaarkood ayaa xiran hase ahate kuwa soo haray ayaa aad loo buux dhafiyay

John Magufuli ayaa dhawr jeer ku celceliyay in dadka ay ku cibaadeystaan masaajida iyo kaniisadaha isagoo sheegay in cibaadada ay ciribtiri doonto cudurka

Si kastaba ha ahaatee, fiidiyowyo baraha bulshada dhawaan la soo geliyay oo muujinaya dad la aa'sayo xilli habeenimo ah ayaa sual gelisay qaabka dowladda ay u wajahayso cudurkan.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu kaloo walaac ka muujiyay istiraatiijiyadda dowladda.

29kii Abriil, maalintii ugu dambeysay ee xogta rasmiga ah la siidaayay, waxaa jiray 509 kiis, halka 21qofna ay dhinteen .

John Pombe Magufuli, Madaxweynaha Tanzania
Image captionJohn Pombe Magufuli, Madaxweynaha Tanzania

Isbuucii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii Madaxweyne Magufuli uu si toos ah shacabkiisa ugala hadlayay telefishinka oo uu shaki geliyay kalsoonida lagu qabi karo qalabka lagu baaro cudurka Covid-19.

Waxa uu sheegay in dheecaanno laga qaaday shimbir, ri' iyo khudrad loo diray sheybaarka, balse dhammaantood la sheegay inay qabaan fayraska.

Magafuli ayaa shacabkiisa ugu baaqay inaysan cabsanin oo ay hawlahoodii caadiga ahaa iska wataan.

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay inaysan tagi doonin kalfadhiyada iyagoo sabab uga dhigay in seddax ka mid ah saaxibadood ay u dhinteen xannuun aan la ogeyn waxa uu yahay. Balse Magafuli ayaa u digay xildhibaanadaasi waxa uuna sheegay inaysan mishaar qaadan doonin hadii ay shaqada imaan waayaan.