"Waxaanu Qabnaa Inaanu Dalkayaga Soomaaliya Dhammaystirnayn Inta Ay Maqanyihiin Walaalahayo Reer Somaliland"

0
Thursday May 14, 2020 - 10:17:39 in by salman abdi
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu Qabnaa Inaanu Dalkayaga Soomaaliya Dhammaystirnayn Inta Ay Maqanyihiin Walaalahayo Reer Somaliland"

    "Waxaanu Qabnaa Inaanu Dalkayaga Soomaaliya Dhammaystirnayn Inta Ay Maqanyihiin Walaalahayo Reer Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu Qabnaa Inaanu Dalkayaga Soomaaliya Dhammaystirnayn Inta Ay Maqanyihiin Walaalahayo Reer Somaliland"

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inaanay Soomaaliya dhammaystirnayn inta ay maqanyihiin shacabka reer Somaliland.

Raysalwasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad u jeediyay beesha caalamka 28 April, ayaa khudbadaas oo uu Geeska Afrika helay, wuxuu ku sheegay inay doonayaan inay dib u soo celiyaan midnimadii Soomaaliya ee xorriyada qaadatay sannadkii 1960."Gundhiga doodu, waa doodda dib u midaynta dalkayaga. Waxaanu rumaysanahay in dalkayagu aanu dhammaystirnayn iyadoo ay maqanyihiin walaalkahayaga reer Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Xasan Cali Khayre oo intaas raaciyay "Waxaanu rabnaa inaanu dib u dhisno Soomaaliyadii aanu xorriyada ku qaadanay.” Ayuu yidhi Xasan Cali Khayre.

Hadalkan ayuu Xasan Cali Khayre kula hadlayay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka amni iyo dhismaha kaabayaasha dawladda uu madaxda ka yahay.