Guddoomiyayaashii maxkamadaha gobolka Banaadir oo la bedalay, kadib khilaafaad ka dhex jiray garsoorka

0
Friday May 15, 2020 - 10:10:24 in by salman abdi
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyayaashii maxkamadaha gobolka Banaadir oo la bedalay, kadib khilaafaad ka dhex jiray garsoorka

    Guddoomiyayaashii maxkamadaha gobolka Banaadir oo la bedalay, kadib khilaafaad ka dhex jiray garsoorka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyayaashii maxkamadaha gobolka Banaadir oo la bedalay, kadib khilaafaad ka dhex jiray garsoorka Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu xilka ka qaaday guddoomiyahii maxkamadda gobolka Banaadir iyo guddoomiyahii maxkamadda racfaanka gobolka, waxa uuna xilalkaasi u magacaabay laba garyaqaan oo kale , kadib markii la sheegay in soo jeedintaas ay ka timid guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.


Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo tan bartamahii sanadkii 2018-kii  xilkaasi hayay, waxaana loo magacaabay Garyaqaan Cabdikhaadir Maxamed Xasan oo bartay Culuumta shareecada iyo qaanuunka, halka maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir laga qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, waaxaana xilkaasi loo magacaabay Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tallaabada xilka qaadista ah uu ku sameeyay Guddoomiyayaasha maxkamadaha gobolka Banaadir waxay kusoo aadeysaa xilli lasoo werinayay khilaafaad adag oo ka dhex jiray  waaxda garsoorka dalka  gaar ahaan guddoomiyayaasha la bedalay iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya .

Inkastoo madaxweynaha warqadda uu ku shaaciyay isbedalkaan lagu qoray ammaan badan oo uu ujeediyay guddoomiyayaasha uu bedalay, haddana waxaa la eegayaa is-bedalka garsoorka gobolka Banaadir ay kusoo kordhiyaan Garyaqaannadan cusub ee maxkamadahan loo dhiibay.