Soomaaliya oo sheegtay xilliga suuragalka ah ee dib loo furi karo duulimaadyadii caadiga ahaa

0
Friday May 15, 2020 - 16:50:34 in by salman abdi
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo sheegtay xilliga suuragalka ah ee dib loo furi karo duulimaadyadii caadiga ahaa

    Soomaaliya oo sheegtay xilliga suuragalka ah ee dib loo furi karo duulimaadyadii caadiga ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya oo sheegtay xilliga suuragalka ah ee dib loo furi karo duulimaadyadii caadiga ahaa Dowladda Soomaaliya waxay dagaal adag kula jirtaa xakameynta xanuunka COVID-19 oo marka laga yimaado dadka uu soo ritay iyo kuwa u dhintay , haddana saameyn adag ku yeeshay dhaqaalaha dalka oo horay ugu tiirsanaa, xoolaha , beeraha, beec mushtirka iyo deeqaha gargaarka ah ee soo gala addanka.

 
 
Ilaha dhaqaalaha ugu weyn uu Soomaaliya kasoo galo waxaa kamid ah garoomada diyaaradaha iyo dekadaha oo sanad walba lagasoo xareeyo canshuur aad u badan , inkastoo aysan si rasmi ah lacagtaas usoo wada gelin gacanta dowladda dhexe , oo qaarkood si gaar ah ay u maamulaan lacagaha ka yimaada dowlad goboleedyada qaarkood.

Madaarka Aadan Cadde oo ku yaalla Muqdisho ayaa mid kamid ah Ilaha dhaqaale oo ay dowladda faderaalka ah ku tiirsantahay, ku dhowaad muddo seddex bilood ahna waxaa uu xiranyahay, sababo la xiriira xakameynta xanuunka COVID-19.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa horay u sheegay sababaha xirnaashiyaha ilo muhiim ah awgii in waddanka uu wajahayo dhaqaale caajis xooggan, taas oo qeyb ka ah saameynta taban uu waddanka ku yeeshay bushiga Coronavirus.

Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Muqdisho Saacid Cabdi oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee dalka ayaa sheegay in inkastoo aan la hubin ay suura-gal noqon karto in duullimaadyadii Soomaaliya dib loo furo bisha July ee sanadkaan.

Xernaashiyaha duullimaadka Soomaaliya ayaa si gaar ah u taabtay dad badan oo qurba joog ah iyo ganacsato meelo kala duwan u safri jiray.