Jilaa Caan Ka Ah Dunida Oo Soo Bandhigay In Uu Soomo Maalin Kasta In Ka Badan 23-saacadood Iyo Sababta Ka Danbaysa+Magac Jilaaga.

0
Saturday May 16, 2020 - 09:01:47 in by salman abdi
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jilaa Caan Ka Ah Dunida Oo Soo Bandhigay In Uu Soomo Maalin Kasta In Ka Badan 23-saacadood Iyo Sababta Ka Danbaysa+Magac Jilaaga.

    Jilaa Caan Ka Ah Dunida Oo Soo Bandhigay In Uu Soomo Maalin Kasta In Ka Badan 23-saacadood Iyo Sababta Ka Danbaysa+Magac Jilaaga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jilaa Caan Ka Ah Dunida Oo Soo Bandhigay In Uu Soomo Maalin Kasta In Ka Badan 23-saacadood Iyo Sababta Ka Danbaysa+Magac Jilaaga.

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, Hrithik Roshan ayaa bogaggiisa baraha bulshada ku sheegay inuu si joogto ah u soomo 23 saacadood oo xiriir ah, xilligan oo lagu guda jiro xayiradda uu sababay cudurka coronavirus.

Roshan ayaa sababta uu arrintaas adag u sameynayo ku sheegay si uu u ilaaliyo caafimaadkiisa iyo fayo qabka jirkiisa, maadaama uusan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo la oggol yahay in bannaanka loogu baxo.

Maanta oo Jimce ah ayuu atoorahan bartiisa Instagram-ka iyo bogga uu ku leeyahay Facebook soo dhigay sawirro iyo qoraal isla socda oo uu ku faahfaahinayo sida uu xaaladdiisa u maareeyo.

"23 saacadood oo soon ah. #Caafimaad ku noolaasho #adkeysi #edabtu waxay lamid tahay xornimo," ayuu kusoo qoray sawirkiisa.

Sawirka waxaa lagu arkayaa Hrithik oo kaamirada u iljabinaya.

Wuxuu u muuqdaa in timaha madixiisa iyo garkiisa ay kusii badanayaan, maadaama aan lasoo bixi karin inta lagu jiro xayiraadda.

Hrithik oo kaliya ma aha balse jilayaasha kale ee Hindiya, sida Akshay Kumar, Aamir Khan, Saif Ali Khan iyo xitaa filim sameeyaha lagu magacaabo Karan Johar ayaa sawirradooda soo dhigay baraha bulshada iyagoo laga dareemayo inuu si weyn u saameeyay amarka xayiradda.

Taageerayaasha Hrithik ayaa mar kale aad ula dhacay sida uu muuqaalkiisa wali u wanaagsan yahay.

Hrithik RoshanLahaanshaha sawirkaHINDUSTAN TIMES
Image captionHrithik Roshan

Hrithik wuxuu xayiraadda kula jiraa labadiisa wiil ee kala ah Hrehaan iyo Hridaan iyo sidoo kale xaaskiisii hore Sussanne Khan.

Wuxuu dhawaan ka qeyb qaatay gurmadka dhaqaalaha loogu aruurinayo howlaha caafimaadka iyo badqabka ee ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore uga jira la dagaallanka cudurka Covid-19, gaar ahaan ciidamada booliska ee magaalada Mumbai.