Hordhac: Chelsea vs QPR: Costa Oo Diyaar Ah & Blues Oo Dooneysa Iney Wadadii Guusha Kusoo Laabato

0
Saturday November 01, 2014 - 10:29:12 in by Burco Office
  • Visits: 973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea vs QPR: Costa Oo Diyaar Ah & Blues Oo Dooneysa Iney Wadadii Guusha Kusoo Laabato

    Kooxda wali aan dhinaceeda dhulka la dhigin ee hogaanka horyaalka ku raaxeysaneysa ayaa maanta gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Queen's Park Rangers oo fadhida halka laga horyaalka Heerka koowaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda wali aan dhinaceeda dhulka la dhigin ee hogaanka horyaalka ku raaxeysaneysa ayaa maanta gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Queen's Park Rangers oo fadhida halka laga horyaalka Heerka koowaad.



 



 


Blues ayaan guul gaarin kulankii ugu dambeeyay horyaalka Premier League, kadib markii ay Old Trafford barbaro kula soo galeen kooxda Manchester United, balse guul ayey gaareen Arbacadii markii ay tartanka Capital One ka reebeen kooxda yar eeShrewsbury Town.

Si Kastaba Mourinho ayaa soo dhaweyn doona wiilashiisa Ramires iyo Costa kuwaas oo dib ugu soo laabtay kooxda, madama ay dhaawacyo ku maqnaayeen waxaana wali fursad heysta Drogba oo is muujiyay labadii kulan ee ugu dambeysayh.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka:Chelsea vs QPR

Tartanka:FA Premier League

Garoonka:Stamford Bridge

Saacada:6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Diego Costa ayaa u muuqda inuu dib ugu soo laabanayo kooxdiisa kadib dhaawcyo dhanka muruqa ah oo soo wajahay, balse lama hubo hadii uu kusoo bilaabanayo iyo hadii kale, Ramires ayaa isna dib ugu soo laabtay kooxda kaas oo dhaawac ku maqnaa kulamadii ugu dambeeyay, waxaana intaas sii dheer in Loic Remy uu ilaa dhamaadka November maqnaan doono.

Dhanka kale labada xidig ee Mutch iyo Barton ayaa kooxda ka maqan, halka Rio Ferdinand ay u bilaabatay ganaax sadex kulan ah oo garka ay u galiyeen FA-ga, waaana sidoo kale ka maqan QPR Onuocha iyo McCarthy.

MA OGTAHAY:

Chelsea waxey ka mid tahay shanta koox oo aan ilaa iyo haatan laga adkaan horyaalada yurub tartamadooda waxaana ka mid ah: (Bayern Munich, Gladbach, Hoffenheim, PSG iyo kuwo kale).

Didier Drogba ayaa dhaliyay sadex kulan oo xiriir ah isagoo xiran maaliyada Blues, waxaana ugu dambeysay inuu sidaas sameeyo bishii May 2010.

Foolxumada ay QPR ku bilowday horyaalka xili ciyaareedkaan kama xuma kuwii hore, madama xili ciyaareedkii ugu dambeeyay ay guusheedii ugu horeysay heshay kulankii 17-aad.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Ivanovic, Terry, Cahill, Luis; Matic, Fabregas; Hazard, Oscar, Willian; Costa

QPR:

Green; Isla, Dunne, Caulker, Yun; Fer, Sandro, Henry; Vargas, Hoilett, Austin


contact@afkashcabka.com