Burco: Daawo Saamaynta uu kala xidhanka iyo crona virus ku yeeshay suuqyadii ganacsiga ee Burco iyo u diyargarowgi ciidka

0
Saturday May 16, 2020 - 16:57:06 in by salman abdi
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco: Daawo Saamaynta uu kala xidhanka iyo crona virus ku yeeshay suuqyadii ganacsiga ee Burco iyo u diyargarowgi ciidka

    Waxa dhowr maalmood ookeliya inaga xigaan Maalintii farxadda muslimiinta caalamka ee Ciidul Fidri, waxaana lagu gudo jiraa badhtamaha 10kii Danbe ee Ramadaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa dhowr maalmood ookeliya inaga xigaan Maalintii farxadda muslimiinta caalamka ee Ciidul Fidri, waxaana lagu gudo jiraa badhtamaha 10kii Danbe ee Ramadaan,

 Xilligan oo kale suuqyada Burco waxay ahaan jireen cidhiidhi aan la geli Karin oo jiq ah, waxaana cidhiidhigaas qaybta ugu weyn lahaa macaamiisha suuqyada bacadlaha ee marka ciidku soo dhowaado laga iibsado agabka ciidka ee caruurta guryaha iyo dadka waaweyn intaba, Sannadkan suuqu waa ka duwanyahay sidii hore, muuqaal ahaan, balse ganacsigii isbedel weyn oo ku yimi ma jiro, sababta ugu weyn ee muuqaal ahaan beddeshay isla markaasna aanu u jirin cidhiidhigii Bulshada ayaa ah Saamaynta Xanuunka Daran ee Crona Virus uu ku yeeshay Somaliland iyo tirada xanuunkaasi laga helayo ee maalin walba kordhaysa, mulkiilayaasha qaarkamida carwooyinka dharka ayaa sharraxaya isbedelka ku yimi suuqa sannadkan ee dhinaca wax iibsiga, buuqi bulshada iyo sicirka alaabta.



Qaarkamida waalidka iyo carruurta Burco ayaa xusay in sannadkan Rejo xumo badan ay qabeen oo ay filayeen inaan caruurta dhar ciideed loo helayn balse ku ammaanay ganacsatada in xilli horeba ay keeneen agabkii ciidda sidaas darteedna aan wax isbedel ahi ku iman suuqii iyo alaabtii.