Guddoomiye Farxaan Oo Mar Kale Nacaybkii Uu u Qabay Shaqalaha Habar Jeclo Ee Dawladda Shaqada Kaga Eryay Cismaan Kujare
Farxaan aadan haybe guddoomiyaha ha’ayadda shaqaalaha soomaaliland ayaa mar kale shaqada kaga eryay nacaybkii iyo takoorkii la sheegay inuu ku hayo shaqaalaha dawladda somaliland ku jira ee ka soo jeeda beelaha habar jeclo, waxaana talaabadan kale ee uu qaaday guddoomiye farxaan aadan haybe shaqada kaga caydhiyey abwaan cismaan ku jare oo shaqaale dawladeed ka ahaa wasaaradda maaliyadda jamhuuriyadda somaliland, sidoo kale todobaadkii hore ayay ahayd markii uu shaqada ka eryay gabadh ka soo jeeda beelaha habar jeclo oo iyaduna ka tirsanayd shaqaalaha dawladda somaliland gaar ahaan wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badaha .
Baraha internetka ee ay bulshadu ku kulanto ayaa dhacdooyinkan uu guddoomiye farxaan aadan haybe ku sameynayo shaqaalaha beelaha habar jeclo lagu falanqeynaya waxaana isa soo taraya shaqo ka eriska iyo caydhinta shaqaalah beelaha habar jeclo tan iyo markii uu farxaan aadan haybe kala wareegay xilka guddoomiyaha ha’ayadda shaqaalaha qaranka somaliland guddoomiyihii hore ee ku wareejiyay xilkan mudan e Sharmaarke geele.