Barack Obama oo markale weeraray madaxweyne Trump

0
Sunday May 17, 2020 - 08:41:01 in by salman abdi
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barack Obama oo markale weeraray madaxweyne Trump

    Barack Obama oo markale weeraray madaxweyne Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barack Obama oo markale weeraray madaxweyne Trump

Madaxweynhii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa weerar afka ah ku qaaday maamulka madaxweyne Trump isagoona ku eedeeyay ineysan si wanaagsan ula tacaalin xanuunka fayraska corona.

Waxa uu sheegay in saraakiil badan ay u muqdeen ineysanba mas'uuliyad saaranayn.

Mr Obama oo khudbad ka jeedinayay xaflad qalin jabin ah ayaa sheegay in xaaladdan ay qeexeyso waxyaabo badan oo daahsoonaa. Waxa uuna carrabka ku adkeeyay in dadka ka mas'uulka ah dalka ay ogaayeen wax walbo oo ay sameeynayeen.

Waa markii labaad ee uu Mr Obama weerar afka ah ku qaadayo maamulka madaxweyne Trump muddo tobaad gudihii ah.

Barack ObamaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda Hopkins ayaa Muujinaya in inkabadan 1,200 oo qof ay fayraska corona dalkaasi Mareykanka ugu dhinteen afar iyo labaatankii sacaadood ee la dhaafay taasi oo tirada guud ka dhigeysa ku dhawaad 89 kun.

Mr Obama ayaa sidoo kale ku fogaaday dhibaatada uu xanuunkan saf-marka ku yeeshay bulshooyinka madowga ah ee ku sugan Mareykanka.

Dadka Ameerikaanka ah ee madow ayaa tiro aad u badan kaga dhimatay fayraska corona marka loo bar-bardhigo qowmiyadaha kale ee dalkaasi Mareykanka.

Madaweynihii hore ayaa sidoo kale intii uu khudbeynayay tusaale u soo qaatay dilikii Ahmaud Arbery oo ahaa nin madow ah oo ay toogteen laba nin oo cadaan ah.

"Haddii aad dooneysaan in dunida ay sidaan iska badasho, idinka ayay idinku xirantahay,'' waxa uu sidaasi ku yiri ardaydii qalin-jabineysa