War Deg Deg Ah:-Raysal Wasaraha Dalka Lesotho Ayaa Ku Dhawaaqay In Uu Iscasilay+Sababta Ka Danbaysa.
Ra’iisal wasaaraha dalka Lesotho, Thomas Thabane, ayaa ku dhawaaqay inuu iscasili doono, balse ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee uu kursiga ka dagi doono.
Mr Thabane ayaa culays badan lagu saaray inuu iscasilo kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa dilkii Lipolelo Thabane oo ahayd marwada ra’iisal wasaaraha.
Lipolelo, oo 58 jir ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta uusan Thabane noqon ra'iisul wasaare.
Mr Thabane, oo ay da'diisu tahay 80 sano jir ayaa xaaska uu haatan qabo dhawaan lagu xukumay inay ku lug lahaydy dilka xaaskii lala qabay.
Waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikana ah ee lagu eedeeyo inuu ku lug lahaa dil isagoo xafiiska haya.
Mr Thabane ayaa horay u sheegay inuu xilka ka dagi doona bisha July, isaga oo sababta la xirriiriyay da’diisa.
Ra’iisal wasaaraha iyo marwadiisaba waa ay dafireen eedeymaha la xirriira dilka marwadii hore ee Mr Thabane.
Markii la dilay xaaskiisa, waxaa uu falkii dhacay ku tilmaamay "axmaqnimo", balse booliska waxay haatan ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka xaaskiisa.
Qareenka difaacaya ra'iisul wasaaraha oo lagu magacaabo Qhalehang Letsika ayaa sheegay in marnaba aanan la maxkamdeyn karin madaxa xukuumadda inta uu xafiiska hayo, balse uusan ka sareynin sharciga.
Xaakimka maxkamadda ayaa kiiska u gudbiyay maxkamadda sare, taas oo arrintani u wajihi doonta sida maxkamadda dastuuriga.
Lipolelo Thabane oo ay si adag isu hayeen seygeedii hore Thomas Thabane ayaa lagu toogtay meel u dhaw gurigeeda oo ku yaalla afaafka hore ee caasimadda, laba maalin uun ka hor inta aan ra'iisal wasaaraha xilka loo dhaarin.
Wararka ku aaddan ku lug lahaanshaha marwada koobaad ee dilkaasi ayaa waxaa aad uga hadlay warbaahinta Lesotho, waxaana ay arinta sii adkaatay markii ay haweeneydaasi ka baxsatay dalka.
Dilkaasi ayaa sidoo kale waxbadan u dhimay sumcadda ra'iisal wasaaraha.
War Deg Deg Ah:-Raysal Wasaraha Dalka Lesotho Ayaa Ku Dhawaaqay In Uu Iscasilay+Sababta Ka Danbaysa.
War Deg Deg Ah:-Raysal Wasaraha Dalka Lesotho Ayaa Ku Dhawaaqay In Uu Iscasilay+Sababta Ka Danbaysa.