Madaxweyne Waare oo dowladda dhexe kala hadlay arrinta fatahaadda Beledweyne

0
Thursday May 21, 2020 - 12:56:16 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare oo dowladda dhexe kala hadlay arrinta fatahaadda Beledweyne

    Madaxweyne Waare oo dowladda dhexe kala hadlay arrinta fatahaadda Beledweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Waare oo dowladda dhexe kala hadlay arrinta fatahaadda Beledweyne Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu dowladda Soomaaliya ka codsatay in loo soo jeesto wax ka qabashada arrimaha fataahadda ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay hadda ka barakaceen qoysas badan.

 

Waare oo ka qey-galayay kulan uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu tilmaamay in la joogo xilli aysan dowladda dhexe indhaha ka qabsan Karin xaaladda Bani aadanimo ee ka taagan magaalada Beledweyne .

Kulanka oo ahaa mid ku dhacayay barta Internet-ka ee habka muuqaalka ah ayaa waxaa sidoo kale ka qey-galay xubno kamid ah guddiga ka hortagga iyo xakameynta xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu dhinaciisa , kadib warbixintii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ballan qaaday in dowladda dhexe ay garab ku siin doonto Hirshabeelle sidii xal loogu heli lahaa xaaladda Beledweyne.

Madaxweyne Waare ayaa shirka markii ugu horreysay ka qeyb-galay isagoo jooga magaalada Beledweyne oo inta badan daadad looga cararay.

Hirshabeelle ayaa ah maamul xiriir wanaagsan laleh dowladda dhexe ee Soomaaliya, laakiin waxaa la eegayaa tallaabada ay qaaddo dowladda dhexe si arrinta magaalladaasi wax looga qabto.