Mid kamid ah cayaartoydii kubada koleyga Soomaaliya oo ku geeriyooday London

0
Monday May 25, 2020 - 12:08:34 in by salman abdi
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamid ah cayaartoydii kubada koleyga Soomaaliya oo ku geeriyooday London

    Mid kamid ah cayaartoydii kubada koleyga Soomaaliya oo ku geeriyooday London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamid ah cayaartoydii kubada koleyga Soomaaliya oo ku geeriyooday London
Allaha u naxariisto waxaa magaalada London ee dalka Ingriiska ku geeriyooday Xasan faarax oo loo yaqaanay macalin joon. Wuxuu kamid ahaa cayaartoydii hore ee kubada Koleyga Soomaaliya.

 

Marxuumka ayaa in muddo ah ku xanuunsanayay dalka UK. Sida ay Hiiraan Online u sheegeen qaar kamid ah eheladiisa, waxayna inoo xaqiijiyeen in uusan u geeriyoon cudurka Covid19.

Allaha unaxariistee, Macalin joon wuxuu kamid ahaa ciyaartoydii u ciyaari jirtay kooxdii kubada koleyga ee madbacada Qaranka. Wuxuu sidoo kale tababare usoo noqday kooxaha muqdisho , somalifruit iyo inji waxuu mar noqday Tababaraha xulka qaranka wiilasha kubadda kolayga

Geeridiisa ayaa kusoo beegantay iyadoo Soomaaliya ay wayday labo kamid ah cayaartoydii hore.

Injineer Baana Cabdalla Cali oo ahaa mid ka mid ah xiddigihii kubadda koleyga dalka Soomaaliya ayaa dhawaan dalka UK, ugu geeriyooday cudurka Covid19.

Sidoo kale, Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo isna ka mid ahaa ciyaartoydii hore, ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coranavurus.