Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Waqtiga Guddiga Doorashada

0
Wednesday May 27, 2020 - 10:32:08 in by salman abdi
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Waqtiga Guddiga Doorashada

    Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Waqtiga Guddiga Doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Waqtiga Guddiga Doorashada
Midowga yurub ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca taariikhda uu guddiga doorashooyinka Soomaaliya barlamaanka hor imaanayo si uu usoo bandhigo warbixin laga sugayo oo ku saabsan doorashada iyo waqtigeeda. Wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray walaaca uu ka qabo dib u dhaca ku yimid warbixinta guddiga doorashooyinka Soomaaliya.



Guddiga ayaa qorshuhu ahaa in ay barlamaanka hortagaan 27 May, balse dib u dhigis lagu sameeyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee barlamaanka ayaa sababtay in laga dhigay 27 june waqtiga uu guddigu hor imaanayo barlamaanka, halka kalfadhigu furmayo 7 june.



Beesha caalamka ayaa il gooni ah ku haysa doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo dowladda federalka ku booriyay in la qabto doorasho aan waqtigeedii ka dib dhicin oo lagu wada qanacsan yahay. Balse, waxaa muuqata in aysan weli dowladda federalka qaadin tilaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee loogu diyaar garoobayay doorashadaas,