War Xasaasiya ah:-Hoos U Dhac Dhaqaale Oo Soo Wajahay Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera Iyo Shirkadihii Oo Goobo Kale U Wareegay

0
Wednesday June 03, 2020 - 09:55:49 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Xasaasiya ah:-Hoos U Dhac Dhaqaale Oo Soo Wajahay Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera Iyo Shirkadihii Oo Goobo Kale U Wareegay

    War Xasaasiya ah:-Hoos U Dhac Dhaqaale Oo Soo Wajahay Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera Iyo Shirkadihii Oo Goobo Kale U Wareegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Xasaasiya ah:-Hoos U Dhac Dhaqaale Oo Soo Wajahay Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera Iyo Shirkadihii Oo Goobo Kale U Wareegay
Wararka Kasoo Baxaya Xarunta Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Magaalada Berbera Ayaa Sheegaya In Haamaha Kaydka Shidaalka Uu Isbedel Kuyim Xaga Shaqada Ahi.



Xaalada Isbedel Ee Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Magaalada Berbera Ayaa Salka Kuhaya' Kadib Markii Ay Shirkada Dahabshiil Group Ay Kadhisatay Haamaha Casriya Kuwa Dawlada Agteeda Kaasi Oo Ay Uwareegeen Dhamaan Shirkadahii Kushuban Jiray Shidaalka'Haamaha Dawlada.


Talaabadan Ay Qaadeen Shirkadahii Shidaalka Kushuban Jiray Haamaha Dawlada Ee Ay Ugu Wareegen Dhinaca Haamaha Shirkada Dahabshiil Group Ay Leeday Ayaa Hoos Udhac Dhaqaale Oo Togan Kuyeelatay'
Dhaqaalahii Kasoo Baxi Jiray Haamaha Dawlada Ee Dhinaca Kirada Iyo Cashuurtaba.

"Ugu Yaraan( 80)booyadood Oo Shidaala Ayaa Laga Dhaamin Jiray Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Qaranku Leeyahay Halka Maantana Wararku Sheegeen In Todobaadkii Ugu Danbeeyay Maalmaha Qaar Laga Dhaamiyay Ilaa (10)booyadood.
Taasina Waxay Kamarag Kacaysaa Hoos Udhaca Kuyimi Haamahii Qaranku Lahaa Kadib Markii Laga Agbineeyay Haamo Ay Leeyahiin Dad Shacbi Ahi.


Dhanka Kale Waxa Jira Muran Udhaxeeya Shirkada Shidaalka Keena Iyo Xukuumada Madaxwayne Biixi Kuwaasi Oo Isku Maan-dhaafsan Keenista Shidaalka Oo Ay Xukuumadu Hore Usheegtay  In Ay Shidaalka Keeni Doonto' Balse Aanay Ilaa Hadda Talaabo Qaadin Ay Ku Keenayso Shidaalka'
Sikastaba Xaalku Ha Ahaadee Shirkada Dahabshiil Group Ayaa Meesha Kasaartay Kootadii Ahayd In Xukuumadu Oo Qudha Haamo Yeelankarto' Madaama Loo Ogolaaday Inay Haamo Samaystaa'


 Haamaha Ay Leeday Shirkada Dahabshiil Group Ee Dhinaca Shidaalka Ah Ayaa Dalka Uhorseedi Doona Fawdo Ah Inay Cidkasta Oo Lacag Haysataa Ay Haamo Shidaal Samaysato.Ama Garoono'Diyaaradeed'
Waxaana Muuqata Inay Meesha Kabaxayaan Haamahii Shidaalka Ee  Qaranku Lahaa Hadii Aan Xukuumada Madaxwayne Biixi Wax Kaqaban Haamaha Bareefadka Ah Madaama Kuwii Dawlada Laga Hayaamay'Oo Loona Wareegay Hamahii Shirkada Dahabshiil.

Cabdiraxman Cige.