Madaxweyne Trump oo Iran u mahadceliyay+Sababta Ka Danbaysa.

0
Friday June 05, 2020 - 10:10:49 in by salman abdi
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump oo Iran u mahadceliyay+Sababta Ka Danbaysa.

    Madaxweyne Trump oo Iran u mahadceliyay+Sababta Ka Danbaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Trump oo Iran u mahadceliyay+Sababta Ka Danbaysa.

Madaxweyne Trump ayaa Iran uga mahadceliyay siideynta muwaadin reer Mareykanka ah oo Iran muddo laba sannadood ka badan u xirnaa. Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay ayuu Trump ku sheegay in siideyntii askariga ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ay muujinaysa inuu meel maray heshiiskii isweydaarsiga maxaabiista.

Iran ayaa iydana loo soo daayay seynisyahan Sirous Asgari oo Mareykanka ku xirnaa isagoo loo haystay inuu jaamacad Mareykanka ku taal ka xaday qalabka baaritaanada ee seyniska. Waxaana si deyntiisa soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif.

Michael White ayaa la xiray 2018-kii isagoo doonayay inuu la kulmo saaxibadii oo ku sugnayd magaalada Mashhad ee dalkaasi Iran, balse lama shaacin sabata loo xiray.

Michael R WhiteLahaanshaha sawirkaCBS
Image captionMichael R White

Siideynta maxaabiista ayaa ah xiriir dhif iyo naadir ah oo dhexmara Mareykanka iyo Iran, inkastoo xukuumadda Washington ay difirtay inuu yahay maxaabiis is weydaarsii toos ah oo u dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Trump ayaa xaqiijiyay siideynta Michael White, sheegayna in Mareykanka lagu geeyay diyaarad Swiss ah.

'' Weligey ma joojin doono ka shaqeynta lagu soo bad-baadinayo dhammaan muwaadiniinta reer Mareykan.'' ayuu yiri Trump.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka dhow ee Iran iyo Mareykanka?

.Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionShan kun oo askari ayaa Mareykanka ka joogta dalka Ciraaq

Bishii May 2018-kii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran, wuxuuna dib u soo celiyay cunaqabateynta dhaqaalaha ee dalkaas saaran. Wuxuu sidoo kale ku hanjabay in tallaabo midaa la mid ah uu ka qaadayo dalalka iibsada shidaalka ay Iran soo saarto. Ka dib, dhaqaalaha Iran ayaa xaalad adag galay.

Xiriirka Iran iyo Mareykanka ayaa sii xumanayay tan iyo bishii May 2019-kii, markii Mareykanka uu aad u adkeeyay cunaqabateynta saaran Iran, isagoo si gaar ah u eegtay dhoofinta shidaalka ee dalkaas. Iran waxay dhankeeda bilowday olole ay cadaadiskaas isaga caabineyso.

Bilihii May iyo June, 2019, waxaa qaraxyo la kulmay lix markab oo shidaalka qaada kuwaas oo marayay Gacanka Cumaan. Mareykanka ayaana tallaabadaas ku eedeeyay Iran.

"20-kii bishii June, ciidamada Iran waxay soo rideen diyaarad uusan duuliyaha saarneyn ee Drone-ka ah ee Mareykanka uu leeyahay. Mareykanka wuxuu sheegay in diyaaraddaas ay mareysay hawada biyaha caalamiga ah, balse Iran waxay ku doodeysaa in dhulkeeda ay ku soo xadgudubtay.

Bishii July waxaa dib u bilowday go'aamada iyo ka go'naanshaha dib u soo celinta heshiiskii Nukliyeerka.

Qasem SoleimaniLahaanshaha sawirkaAFP

Balse Xiriirka labada dal ayaa aad usii xumaaday bishii Janaayo ee sannadkan kaddib markii Mareykanka uu dilay Janaraal Qaasim Suleymaani oo lagu dilay diyaarada aan dulliyaha lahayn isagoo ku sugan dalkaasi Ciraaq. Iran ayaa qaadday tallaabo aargoosi ah iyadoo weerartay xarumo milatariga Mareykanka uu ku lahaa Ciraaq