Galmudug oo sheegtay in COVID-19 uu aad ugu fidayo deegaannadaasi

0
Friday June 05, 2020 - 13:39:25 in by salman abdi
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo sheegtay in COVID-19 uu aad ugu fidayo deegaannadaasi

    Galmudug oo sheegtay in COVID-19 uu aad ugu fidayo deegaannadaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Galmudug oo sheegtay in COVID-19 uu aad ugu fidayo deegaannadaasi Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa waxa uu sheegay in xanuunka COVID-19 uu aad ugu faafayo deegaannada maamulkaasi,  waxa uuna soo jeediyay in lagama maarmaan ay tahay in loo istaago sidii loo xakameyn lahaa.

 
"Dad badan oo qaba astaamihii lagu garanayay cudurka ayaa lagu arkay Dhuusamareeb,  meelo fog fog oo miyiga ahna waa lagasoo sheegayaa , sababta aan isleenahay cudurkaan wuu sii fidayaa waxay tahay ma jiro taxadar iyo wacyi-gelin ku filan oo ay dadku leeyihiin" Axmed Shire Falagle wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa sidaasi u sheegay Idaacadda maxalliga ah ee Risaala.


Dhowaan ayeey dowladda Soomaaliya waxay deeq caafimaad oo ku saabsan agabka looga hortago xanuunka Coronavirus u dirtay Galmudug,  gaar ahaan degmooyinka Balanbal iyo Cabudwaaq.

Soomaaliya xanuunka COVID-19 ayaa aad ugu fidaya,  waxa uuna soo ritay dad badan,  halka tobannaan ruuxna ay u geeriyoodeen.