Aqalka sare ee Itoobiya ayaa Raysal wasaare Abiy Ahmed u ogglaaday inuu xukunka hayo tan iyo inta laga guulaysanayo Coronavirus

0
Thursday June 11, 2020 - 13:58:12 in by salman abdi
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka sare ee Itoobiya ayaa Raysal wasaare Abiy Ahmed u ogglaaday inuu xukunka hayo tan iyo inta laga guulaysanayo Coronavirus

    Aqalka sare ee Itoobiya ayaa Raysal wasaare Abiy Ahmed u ogglaaday inuu xukunka hayo tan iyo inta laga guulaysanayo Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka sare ee Itoobiya ayaa Raysal wasaare Abiy Ahmed u ogglaaday inuu xukunka hayo tan iyo inta laga guulaysanayo Coronavirus Barlamaanka Aqalka sare ee dalka Itoobiya ayaa u oggolaaday xukuumadda raysal wasaare Abiy Ahmed inay sii wadato xukunka illaa Coronavirus ka dib.

 
 
Kooxaha mucaaradka ah ee Oromada iyo Tigreega ayaa ka soo horjeestay go'aankaan.

Golaha Federaalka Itoobiya (Aqalka Sare) wuxuu go’aansaday in goleyaasha dowlad-gobolleedyada iyo baarlamaanka Federaalku ay sii shaqeyn doonaan illaa doorashada soo socota.

Mooshinka loogu oggolaaday wakiilada gobollada iyo federaalka inay sii wadaan shaqadooda illaa doorashada soo socota waxaa u codeeyay boqol iyo afar xubnood.

Bishii May 6, baarlamaanka federaalka Itoobiya wuxuu meel mariyey go'aan ah in qodobbada dastuurka ay ka dambeeyaan dib-u-dhigidda doorashada guud ee 6-aad iyada oo aan lagu xadgudbin dastuurka.

Go'aankan ayaa yimid kadib markii guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya uu baarlamaanka kula taliyay in aysan dhici Karin doorashada loo qorsheeyay bisha Ogosto 2020 taas oo ay ugu wacan tahay xaalada coronavirus ee dalka.

Dhinaca kale, Aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa doortay afhayeen cusub Arbacadii. Aqlabiyadda xubnaha Golaha Federaalka waxay u codeeyeen Aden Farah, oo ah madaxweyne ku xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Wuxuu bedelayaa Keria Ibrahim, oo jagada qabatay Abriil 2018, taasoo is casishay Isniinta.