Trump oo taageeray in la mamnuuco arrin dhibaato ku haysay dadka madaw

0
Saturday June 13, 2020 - 11:26:27 in by salman abdi
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo taageeray in la mamnuuco arrin dhibaato ku haysay dadka madaw

    Trump oo taageeray in la mamnuuco arrin dhibaato ku haysay dadka madaw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo taageeray in la mamnuuco arrin dhibaato ku haysay dadka madaw

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ficilka ceejida ee ay boolisku kula kacaan dadka dambiileyaasha looga shakiyo gabi ahaanba meesha laga saaro.

Qaar ka mid ah ciidamada booliiska Mareykanka ayaa u dhaqaaqay in ay mamnuucaan ceejida tan iyo markii ay bilowdeen dibadbaxyada uu horseeday dilkii Georege Floyd iyo dadka Afrikaanka ahi ee reer Mareykan. Mr Floyd ayaa geeriyooday isagoo sarkaal boolis ah uu jilibka luqunta kaga hayo.

Trump ayaa sheegay iney aad u wanaagsan lahayd in la mamnuuco ceejida inkastoo xaaladaha qaar weli loo baahnaan doona.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyadoo Dimuqraadiyiinta iyo Republican-ka ee aqalka Congress-ka ay isku dayayaan iney soo saaraan faah-faahinnada ku aaddan hindise sharciyeedka isbadalka booliska Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in fikradda lagu mamnuucayo ceejida booliska ay tahay "mid aad u wanaagsan oo kaamil ah."


 
Taariikha tacaddiyada booliska Mareykanka

Balse isagoo hadalkiisa si wata ayuu sheegay: "Haddii sarkaal boolis ah u xaalad adag la kulmo isagoo qof dambi looga shakiyay gacanta ku haya...waa inaad taxadartaa oo waa suurogal in la adeegsado ceejida markaasi.

Sarkaalkii booliska ahaa ee lawgiisa ku dilay Georeg Floyd, shaqada ayaa laga eryay isla markaana waxaa lagu soo eedeeyay dacwadda heerka labaad ee dilka.

Cadaadiska dib u habeynta booliiska Mareykanka

Madaxweyne Trump oo dhaleeceyn kala kulmay qaabkii uu ula tacaalay dibadbaxayada ka dilaalacay Mareykanka ee looga soo horjeedo midab-takoorka ayaa sheegay inuu doonayay in "si naxariis leh loola dhaqmo dibadbaxayaasha balse in sharciga kala dambeynta la soo celiyo"

Hindise sharciyeedka isbadalka lagu sameeynayo booliska ayaa waxaa soo jeediyay Dimuqraadiyiinta mucaaradka ah ee maamula Aqalka Wakiilada balse si loo meel mariyo waxaa khasab ah in xisbiga madaweyne Donald Trump ee maamula Aqalka sanat-ka taageero.

Waxa jirta suurtagalnimo ah in labada dhinacba ay heshiis ka gaadhaan mamnuucista ceejida iyo toogashada digniin la'aanta ah, sida toogashadii Breonna Taylor.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dhanka kale maamulka maagaalada Minneapolis oo ah halkii lagu dilay Mr Floyd ayaa meel-mariyay Jimcihii in waaxda booliska lagu badalo hab amni oo ay bulshada hormuud ka yihiin, waxayna tallaabadini ku soo beegmaysaa maalmo un kaddib markii maamulka magaalada ay u codeeyen in waaxda booliska la badalo.

New York, Barasaab Andrew Cuomo ayaa saxixay amar lagu doonayo in isbadal lagu sameeyo guud ahaan booliska gobolka.

 
taliyaha booliska Houston oo taageeray in meesha laga saaro ceejida

Isbadalkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa adeegsiga awoodda booliska, cunsurimada iyo arrimaha kale ee horseeday dibad-baxyadaan loga soo horjeedo midab takoorka.